Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Al-shabaab oo weerar kedis ah ku qaaday degmada Marka

Wararka ka imanaya magaalada Marka ee xarunta gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in caawa ay weerar kedis ah ku soo qaadeen dagaalyahano ka tirsan ururka Alshabaab iyagoo gudaha u galay xaafado ka mid ah magaalada Marka.

Dadka ku sugan magaalada Marka ayaa waxa ay sheegayaan in xaafado ka mid ah magaalada ay la wareegeen Al-Shabaab balse weli dagaalku uu soconayo.

Lama oga qasaaraha ka dhashay dagaalka ka bilowday magaalada Marka iyadoo ay tahay markii labaad ee ay weerar xilli maqribnimo ah ay Al-Shabaab ku qaadaan xarunta gobolka Sh/hoose oo dhowaan ay la wareegeen ciidamada dowlada.

Inta badan xaafadaha magaalada Marka ayaa dadkii degenaa ay isaga barakaceen iyagoo soo galay magaalada Muqdisho iyo deegaano kale oo ka mid ah gobolka Sh/hoose.

 

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

SAWIRRO:-Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Baydhabo ka furay Madasha Arrimaha Bini’aadninimada Dalka
- Jul 23, 2019
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo gaaray ...
DAAWO:-Gudigii Horumarinta Boosaaso oo dib xoriyadooda u helay.
- Jul 23, 2019
Waxaa maanta dib xoriyadooda u helay qaar ka mid ah xubnihii gudigga dayactirka wadada ...
Guddiga Qabanqaabada Shirweynaha Dib u heshiisiinta Galmudug oo sheegay in Shirka la qaban doono Shanta Bisha Agoosto.
- Jul 23, 2019
Guddiga Qabanqaabada Shirweynaha Dib-u-heshiisiinta Galmudug oo u xilsaaran qaabkii xal waara loogagaari lahaa khilaafaadka ...