Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Masuuliyiin ka tirsan Maamulka K/Galbeed oo lagu weeraray duleedka Muqdisho

Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya degaanka Xaawo Cabdi ee duleedka magaalada Muqdisho Qarax miino ayaa maanta halkaas lagula beegsaday gaadiid ay la socdeen Masuuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur galbeed oo degaankaasi Marayey.

Masuuliyiintan la qarxiyay ayaa ka baxay magaalada Muqdisho, iyagoo ku sii jeeday degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Waxaa ku jiray masuuliyiintaasi Xildhibaano ka tirsan Koonfur galbeed iyo saraakiil uu ka mid ahaa Taliyaha saldhiga degmada Afgooye.

Guddoomiye ku-xigeenka Lafoole ayaa qiray in qarax miino lagu weeraray gaari ay la socdeen masuuliyiintan lala beegsaday qaraxa, balse uusan sheegi karin khasaaraha ka dhashay.

Ciidamada amaanka dowlada ayaa xiray goobtaas, iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in askartii la socotay taliyaha ay soo gaareen dhaawacyo kala duwan, isla markaana ay badqabaan taliyaha Ciidanka Booliska degmada Afgooye iyo masuulliyiintii la socotay.

 

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

MUUQAAL:-Xildhibaan Idiris iyo Siyaasi Cali Daacuun oo Kahadlay Hadalkii Cabdiweli gaas ee Koonfur Galbeed
- Sep 21, 2018
https://www.youtube.com/watch?v=Gu63DgEDxMI
DAAWO SAWIRRO:-Madaxwenaha Puntland oo Khudbad u Jeediyey Ardayda Jaamacadda Maakhir Badhan
- Sep 21, 2018
Madaxweynaha dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa khubad dheer oo muhiim ah ...
DHAGEYSO:-Cabdullaahi Xasan Bariise “Waxaa jira shakhsiyaad difaaca dadka amni darada geysta”
- Sep 21, 2018
Taliyaha Hoggaanka Waaxda Canshuuraha ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Janeraal cabdullaahi Xasan Bariise ayaa si ...