Akhriso:-Xafiiska Hanti Dhowrka Guud oo iska fogeeyay eedeymo uga yimid Maamul goboleedyada
Xafiiska Hanti dhowrka Guud ee Qaranka ayaa sheegay inay ka madax banaan yihiin lamaha kala duwan ee dowladda iyo dhinacyada siyaasadda dalka, iyagoo iska fogeeyay eedeymo uga yimid Maamul goboleedyada iyo Xildhibaanada Baarlamaanka.
War saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Hanti Dhowrka Guud ayaa lagu sheegay in war murtiyeedkii ka soo baxay shirkii Madaxda Maamul goboleedyada iyo xubno ka mid ah Xildhibaanada inuu tuhun geliyay madax banaanida iyo dhex dhexaadnimada Xafiiska Hanti dhowrka Qaranka.
Sidoo kale war saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Xafiiska Hanti dhowrka Qaranka uu ku casuumayo cid kasta oo mas’uul ah oo raba inuu warbixin dheeraad ah ka helo Xafiiska Hanti dhowrka, isla markaana albaabadiisa u furan yihiin.
Loading...