Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku dilay Horjooge ka tirsan Al-Shabaab oo muddo la baadigoobayay

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Qaasim Axmed Rooble oo Warbaahinta la hadlay ayaa faah faahin ka bixiyay howlgal Ciidamada ammaanku saacadihii la soo dhaafay ay ka sameeyeen degmada Heliwaa ee gobolkan Banaadir.

Qaasim Axmed Rooble ayaa sheegay in Ciidamada dowladdu ay dileen sarkaal sare oo ka tirsanaa Al Shabaab, kaas oo uu magaciisu ku sheegay Abuukar Xasan Cadde.

Sarkaalkan la dilay ayuu sheegay in Xarakada Al Shabaab uu u qaabilsanaa dhanka amniyaadka qeybta Bari ee gobolka Banaadir.

Sidoo kale Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa intaasi ku daray in ay ku raadjoogeen sarkaalkan, tan iyo sanadkii 2015-kii, sida uu hadalka u dhigay.

Ugu dambeyn waxa uu tilmaamay Afhayeenku in Ciidamadu sidoo kale ay dhaawaceen 3 kale oo sarkaalka la dilay la socotay, dhankoodana laga dhaawacay 1 Askari.

 

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

DAAWO:-Khilaafka Kenya iyo Somaliya oo Cirka isku Shareray+Kulamo Xasaasi ah Madaxtooyada.
- Feb 17, 2019
https://youtu.be/DADJEXPUZt0
MUUQAAL:-Mustafa Cagjar oo Jigjiga Kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Itoobiya
- Feb 17, 2019
https://www.youtube.com/watch?v=2obpuzeG72A
DHAGEYSO:-Afhayeenka XisbigaWaddani”Hogaaminta Muuse Biixi Waa Ta Ku Fikireysa Daaro Dhiso Dadkii Oo Abaaro La Il Daran”
- Feb 17, 2019
Afhayeenka xisbiga Waddani Barkhad Jaamac Xirsi ayaa waxaa uu si adag u dhaliilay ...