Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

MUUQAAL:-Madaxweyne Farmaajo oo wadahadallo la yeeshay Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wadahadallo la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha Mudane Xi Jinping.

Wadahadallani waxa ay hordhac u yihiin Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika.

Madaxweyne Farmaajo waxa uu Madaxweyne Xi Jinping ku bogaadiyey dib u habaynta uu ku sameeyey siyaasadaha dalkiisa si waddanka Shiinaha loo gaarsiiyo horumar ballaaran.

Dhankiisa, Madaxweyne Xi Jinping ayaa ku ammaanay Madaxweyne Farmaajo iyo xukuumaddiisa horumarka ay ka gaareen dhinacyada siyaasadda, dibu dhiska dalka iyo dhaqaalaha.

Labada Madaxweyne waxa ay lafa gureen qodobo la xiriira iskaashiga labada dhinac, ganacsiga iyo maalgashiga, hiigsiyada cusub ee iskaashiga dhaqaale, iyo dadaallada lagu xoojinayo xiriirka u dhexeeya Shiinaha iyo Soomaaliya.

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

DAAWO:-Siyaasi Caan ah oo Tilmaamay Ciladaha Heysta Dowlada Farmaajo,
- Mar 22, 2019
https://youtu.be/xH2bnKqPYgY
MUUQAAL:-Odayaasha Degaanka Xudun Oo Fariin Udiray Madaxweynaha Somaliland
- Mar 22, 2019
https://www.youtube.com/watch?v=z87ulTvSQd8
MUUQAAL:-Sheekh caan ah oo ku Baaqay In Guurka La Badiyo
- Mar 22, 2019
https://www.youtube.com/watch?v=Tl3Fj6Bs0WQ