Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

DAAWO :-Madaxda ugu saraysa ururka ONLF Oo ka dagay Caasimada dalka itoobiya

Wafdi uu hoggaaminayey Afhayeenka Jabhadda ONLF Cabdiqaadir Hirmooge (Caddaani) ayaa ka degay magaalada addis ababa ee dalka Itoobiya.

Caddaani iyo xubnaha la socday oo ka soo duulay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxaa Addis Ababa ku soo dhaweeyey Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Itoobiya iyo xubno kale.

Saacado ka hor booqashadiisa ayaa Jabhadda ONLF waxay magaalada Nairobi kaga dhawaaqday xabbad-joojin hal dhinac ah, ka dib wakhti dheer oo dagaal ay kula Jirtay dawladda Itoobiya.

“Waxaan u aragnaa in xabbad joojintu ay dadkeenna maslaxad u tahay”, sidaa waxaa yiri C/qaadir Xasan Hirmooge (Caddaani), afhayeenka ONLF oo Nairobi ku sugnaa Xiligaasi.

Inta uu Caddaani ku sugan yahay Magalada Adis Ababa ayaa waxa uu la kulmi doonaa Madax ka tirsan dowladda Federaalka Itoobiya,waxaana wararka qaar ay sheegayaan in uu la kulmi doono Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

 

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

DHAGEYSO:-Siyaasi salaad cali jeele madaxtooyada somalia maxaa ka jira in uu lacag ka qaato si uu u tageero DFS ?
- Aug 18, 2018
Siyaasiga Salaad Cali Jeelle  ayaa waxa uu ka hadlay taageerada uu siiyo dowladda Federaalka ...
DHAGEYSO:-Xildhibaano Katirsan Barlamaanka Puntland oo Hadda Mooshin Gudbiyey
- Aug 18, 2018
War deg deg ah oo hadda naga soo gaarey magaalada Garoowe ee xarunta Puntland ...
DHAGEYSO:-Madaxweyne Waare oo loogu baaqay in uu iscasilo
- Aug 18, 2018
Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle ayaa ku baaqay Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi ...