Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Dowladda Somalia oo Si Kulul Ugu Hadashay Warbixin Lagu Daabacay Wargeyska Foreign Policy

Ka dib Wargeyska Foreign Policy maqaal uu daabacay ayuu waxa uu hoos u dhigay Awooda ciidamada qalabka sida ee soomaaliya gaar ahaan xoogga dalka.

Wargeyska Foreign Policy ayaa waxa uu soo xigtay Colonel Katirsan AMISOM gaar ahaan guutada Ciidamada Uganda ee ka howlgala Soomaaliya isagoona si bareer ah meel ugu dhacay ciidamada xoogga dalka

Taliska ciidanka xoogga dalka soomaaliya oo ka jawaabayo hadalka uu sheegay Colonel Katirsan AMISOM ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay in sharafta ciidamada xoogga meel looga dhaco

Taliyaha hogaanka siyaasad iyo wacyigalinta ciidanka xoogga dalka G/sare Cabdi xamiid sheikh cali Xaydar oo la hadlay warbaahinta  ayaa sheegay in ay qalad ay tahay in Colonel Katirsan AMISOM gaar ahaan kasoo jeeda Ciidamada Uganda uu sharaf ka dhac ku sameeyo ciidamada qalabka sida ee soomaaliya

Ciidanka Amisom ayuu sheegay in ay soomaaliya ku joogaan nidaam islamarkaana uu iskaashi kala dhaxeeyo ciidamada xoogga dalka  waxa uuna tilmaamay in Amisom ay soomaaliya u joogaan in ay la dagalamaan oo gurmad siiyaan dadka soomaaliya balse aan looga baahneen in ay xumaan ka sheegaan ciidamada xoogga dalka

G/sare C/Xamiid sheikh xeydar waxa uu sidoo kale sheegay in sarkaalka u dhashay Uganda uu isaga Aqoon dheeri ah uu u leeyahay doofarka uu sheegay,

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay kornel C/xamiid in Uganda markii ay bur bursaneed ay soomaaliya ciidamo ka socda ay tageen dalka Uganda islamarkaasine halkaasi ay ku caawin jireen shacabka reer Uganda.

Dhismaha ciidamada qalabka sida ayuu sheegay in ay hortaagan yihiin dalalka ay ciidamadooda ka joogaan soomaaliya waxa uuna hoosta ka xariiqay qarashaadka lagu bixin lahaa dhismaha ciidamada ay qaataan ciidamada Amisom.

Dowlada Uganda ayuu ugu baaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay raali galin ugu bixiso gafka uu ciidamada soomaaliya uu u geestay kornel kasoo jeeda Uganda isagoona intaasi raaciyay in sharciga ay la tiigsan doonaan.

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. Abdirisaq. Farah says:

    Barwaaqada Somalia ku jirta oo shidaal iyo gas ugu horreeyaan iyo meesha ay caalamka kaga taal waa wax aan la quuri karin. Ururrada kadagaallama Somalia iyo jabhadihi qabiillada ee hore uga dagaallamay dhammaan waa wax looga mushquulinayo Somalia inay dhisato dawlad awood leh oo difaacata khayraadkeeda kalana heshiisa cidda ay doonto shuruudaha ay ku qanci kartana kula heshiiso. Waxa maal geliya ururradaan dad iyo dawlado dan weyn ka leh khayraadkeenna kuwaas oo qaarkood hagardaamo hosaasin iyo maaweelo ku wadaan Somalia. Maaweeladaas waxa ka mid ah ciidanka Amisom oo dhaqaale aad u badan lagu kala qaato wax tarkooduna aanu u dhigmin dhaqaalah ku baxa. Haddii toban meelood meel lasiin lahaa dawladda iyo ciidanka somalia dhaqaalahaas mar hore ayay somalia cagheeda isku taagi lahayd. Balse marna looma hagar bixin Somalia. In doofaar aan daahirsamin sarkaal ugandese ah nagu tilmaamo waxa noo keenay in aan diidnay canshuurteenna inaan la baxno oo ciidankeenna ku dhisanno codkeennana meel isugu geyno oo aan iska dhaafno qabiillada xeryaha naloogu kala ooday.




ad

Latest News

DHAGEYSO:-Siyaasi salaad cali jeele madaxtooyada somalia maxaa ka jira in uu lacag ka qaato si uu u tageero DFS ?
- Aug 18, 2018
Siyaasiga Salaad Cali Jeelle  ayaa waxa uu ka hadlay taageerada uu siiyo dowladda Federaalka ...
DHAGEYSO:-Xildhibaano Katirsan Barlamaanka Puntland oo Hadda Mooshin Gudbiyey
- Aug 18, 2018
War deg deg ah oo hadda naga soo gaarey magaalada Garoowe ee xarunta Puntland ...
DHAGEYSO:-Madaxweyne Waare oo loogu baaqay in uu iscasilo
- Aug 18, 2018
Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle ayaa ku baaqay Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi ...