Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

DAAWO:-Maamulka Gobolka Banaadir oo Olole Nadaafadeed ka sameeyey degmooyinka Caasimadda

Maamulka Gobolka Banaadir iyo qaar kamid ah Shacabka Caasimadda ayaa olole Nadaafadeed ka sameeyey degmooyinka Caasimadda, iyadoo ololahan uu qeyb ka yahay Barnaamijka Is-xilqaan ee horey ugu dhawaaqay Madaxweynaha Jamhuuriyadda F. Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Ololahan ayaa ah mid joogta ah oo isbuuc walba ay ka qayb qaadanayaan dhammaan Maamulka heer Gobol iyo heer Degmada, ganacsatada iyo shacabka. Waxana lagu nadiifiyey jidad muhiim ah oo ku yaalla halbowlaha magaalada.

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa boggaadiyey barnaamijka Is-Xilqaam ee dalka lagu dhisayo.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in nadaafaddu ay ka bilaabato guriga iyo deegaanka uu qof walba ku nool yahay, maamulkiisuna uu mudnaanta siinayo ilaalinta bilicda iyo faya dhowrka Caasimadda. Isagoo ugu baaqay shacabka ku nool Muqdisho in ay u istaagaan horumarinta dalkooda.

“Nadaafaddu Caasimaddu waxay nooleedahay mudnaan sare, waxaan shacabka Caasimadda ugu baaqayaa in wadajir looga qeyb qaato madaafadda, si Caasimaddu dib ugu soo ceshato bilicdii ay caanka ku ahayd barisamaadkii”.Ayuu yiri Duqa Muqdisho Eng. Yarisow.

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

SAWIRRO:-Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Baydhabo ka furay Madasha Arrimaha Bini’aadninimada Dalka
- Jul 23, 2019
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo gaaray ...
DAAWO:-Gudigii Horumarinta Boosaaso oo dib xoriyadooda u helay.
- Jul 23, 2019
Waxaa maanta dib xoriyadooda u helay qaar ka mid ah xubnihii gudigga dayactirka wadada ...
Guddiga Qabanqaabada Shirweynaha Dib u heshiisiinta Galmudug oo sheegay in Shirka la qaban doono Shanta Bisha Agoosto.
- Jul 23, 2019
Guddiga Qabanqaabada Shirweynaha Dib-u-heshiisiinta Galmudug oo u xilsaaran qaabkii xal waara loogagaari lahaa khilaafaadka ...