Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

WARBIXIN+MUUQAAL:- SOOYAALKA DENI IYO TAAGEERADA SHACABKIISA.

Mudane Siciid Cabdullaahi Deni waxaa xaqiiq ah inuu arrimo badan kaga wanaagsan yahay siyaasiyiinta kale ee Puntland, maadaama uu leeyahay sooyaal taariikheed oo qaan gaaray waxaana arrimahaas muujinaya wanaaga iyo waxtarka uu bulshadiisa u sameeyay waayihii laga soo gudbay, haddii aan aan faah-faahino waxaa saldhig u ah dhowr qodob oo muhiim ah.

1- Waa masuul si buuxda u hantay taageerada shacabkiisa, waxaana taasi ku timi duruufihii adkaa ee lasoo maray iyo sida uu bulshadiisa u garab taagnaa isagoon dibada uga dhoofin.

2- Waa masuul marxalado kala duwan kasoo maray arrimaha Waxbarashada, Ganacsiga iyo Siyaasadda, isagoo dedaal, maskax iyo hanti intaba u huray horumarinta bulshadiisa.

3- Waa masuul ka madax banaan koox, qabiil iyo nin jeclaysi, bulshada dhamaanteedna ay u siman tahay una diyaar garoobay xoojinta horumarka iyo is-dhex galka bulshada Puntland.

4- Waa masuul la yimi qorshayaal u hiilinaya hanaanka dawladnimo ee Puntland oo asaas u tahay TAYAYN IYO TIIGSI.

5- Waa masuul si buuxda u difaaci kara Puntland, waxtar la taaban karona ka samayn doona arrimaha bulshada, korna u qaadi kara  ammaanka, dhaqaalaha, waxbarashada, caafimaadka IWM.

Sidoo kale waxaa ka go’an inuu fursad buuxda u sameeyo jiilka soo kacaya, si looga faa’iidaysto aqoontooda, dhallinyaranimadooda, maskaxdooda iyo xoogooda intaba.

-DHAMMAAD-

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

DAAWO:-Taageerayaasha Farmaajo iyo Mucaaradka dagaal aan wax leysula Harin”
- Dec 13, 2018
https://youtu.be/gGmQsWGPcMw
DHAGEYSO:-Xildhibaan Xasan Cabdi “Qofka Aan Waajibkiisa Gudan Waa Lala Xisaabtamayaa”
- Dec 13, 2018
Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil oo ka mid ah mudanayaasha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ...
DHAGEYSO:-Somaliland oo ka jawaabatay war ka soo yeedhay wasiirka kaluumaysiga Somalia
- Dec 13, 2018
Wasiirka Xannaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga Maamulka Somaliland Xasan Gaafaadhi, ayaa sheegay in aanu khusayn ...