Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

DAAWO:-Eng. Yarisow “Adeegga Aamin Ambalaas muhiimad weyn ayuu ugu fadhiyaa Bulshada Caasimadda waana garab taagannahay”

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) oo kulan la qaatay Guddoomiyaha Hay’adda Gaadiidka Gurmadka Caafimaadka ee Aamin Ambalaas Dr. Cabdiqaadir Cabdiraxmaan Xaaji ayaa kala hadlay sidii loo joogteyn lahaa adeegyada caafimaad ee hay’addan.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in gargaarka deg-degga ah ee hay’addan uu kaalin muhiim ah kasoo qaatay badbaadinta muwaadiniin badan oo Soomaaliyeed, kuwaas oo ku dhaawacmay falalkii arxan darrada ah ee kooxda argagixisada Alshabaab ay ka geysatay Gobolka Banaadir.

“Shaqadii iyo dadaalkii aad soo waddeen muddada 12-ka sano ahayd ee la soo dhaafay, waxa ay ahayd mid muhiim ah oo ay idiin ogsoonyihiin shacabka iyo Madaxda Soomaaliyeed. Waxaan rajeynaynaa in aad dadaalkiinna sii waddaan una dhabar adeygtaan duruufaha idin soo food saari kara.”

Guddoomiye Eng. Yarisow ayaa tilmaamay in Maamulka Gobolka Banaadir ay ka shaqeynayaan sidii xal loogu heli lahaa caqabadaha haysta Aamin Ambalaas, isagoo ku baaqay in taageero badan la siiyo Aamin oo ah adeegga Ambalaas kaliya oo bilaashka ah ee ka jira Caasimadda shaqeeyana afar iyo labaatanka saacadood maalin kasta.

Guddoomiyaha Hay’adda Gaadiidka Gurmadka Caafimaadka ee Aamin Ambalaas Dr. Cabdiqaadir Cabdiraxmaan Xaaji ayaa uga mahad celiyey Maamulka Gobolka Banaadir sida deg degga ah ee ay uga jawaabeen baaqii ay dhaween soo saartay hay’addu.

Maamulka Gobolka Banaadir iyo midka Hay’adda Aamin Ambalaas ayaa isla qaatay in la sii wado shaqada ay hayaan gaadiidka deg-degga ah ee Aamin, iyadoo qorshe laga yeelanayo xal u helista caqabadaha ka haysta dhanka dayactirka iyo xereynta gaadiidka, xafiisyada shaqada iyo tayeynta shaqaalaha.

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

DAAWO:-Wasiirka Boostada & Isgaarsiinta oo soo xiray Shirka Xifadleyda Teknolojiyada Soomaaliya
- Oct 22, 2018
Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada ayaa si rasmi ah u soo xiray shirweynaha 3aad ...
TOOS:-Xaruunta Tala soo jeedinta Somaliyed oo Dood kusaabsan Doorka Ay Culimada Ahlu-sunny Wal jamaaca Ka qaadan Karaan Sugida Amniga
- Oct 22, 2018
[embed]https://www.facebook.com/sbcsomalitv/videos/2184875958417760/[/embed]
DHAGEYSO:-Baydhabo Oo Dib Loo Fasaxay Gaadiidka Bajaajta Iyo Noah Oo Markii Hore La Mamnuucay
- Oct 22, 2018
16 Bishaan ayaa War ka soo baxay Booliiska baydhabo lagu joojiyay in magaaladaas ay ...