Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

WAR DEG DEG AH:-Madaxweyne farmaajo oo Xilalkii Ka Qaaday Qaar Kamid ah Garsoorayaasha Maxkamadda Sare

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu ku magacaabay Garsooreyaasha Maxkmadda Sare ee dalka,  ka dib soo jeedin ka timid Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Mudane Baashe Yuusuf Axmed.

Garyaqaannada uu Madaxweynuhu u magacaabay xilalka Garsoorenimo ee Maxkamadda Sare ayaa ah:

–      Garyaqaan Saalax Sheekh Ibraahim Dhiblaawe.

–      Garyaqaan Maxamed Cumar Axmed.

–      Garyaqaan Cabdalle Macalin Maxamed.

–      Garyaqaan Xaydar Barqash Abukor.

–      Garyaqaan Axmed Cali Muuse.

 

Madaxweynaha ayaa isla wareegtadan xilalkii Garsoorenimo  ee Maxkamadda Sare kaga qaaday xubnaha kala ah:

–      Mudane Sheekh Abuukor Cismaan Macalin Daahir.

–      Mudane Maxamed Maxamuud Maxamed.

–      Mudane Maxamuud Axmed Faarax.

–      Mudane Sheekh Cumar Aadan Maxamed.

–      Mudane Cabdinaasir Seeraar Axmed.

–      Mudane Axmed Maxamed Sheekh Ibraahim.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku adkeeyey garsooreyaasha uu magacaabay in ay dhawraan sarreeynta sharciga dalka iyo in ay si siman ugu adeegaan shacabka.

Tallaabadan uu qaaday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku saleeysan ballanqaadkiisii ku saabsanaa in uu dib u habayn ku sameeyo nidaamka garsoorka dalka oo kamid ah qorsheyaasha ugu muhiimsan ee dowladda horyaalla.

 

 

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

DHAGEYSO:-Siyaasi salaad cali jeele madaxtooyada somalia maxaa ka jira in uu lacag ka qaato si uu u tageero DFS ?
- Aug 18, 2018
Siyaasiga Salaad Cali Jeelle  ayaa waxa uu ka hadlay taageerada uu siiyo dowladda Federaalka ...
DHAGEYSO:-Xildhibaano Katirsan Barlamaanka Puntland oo Hadda Mooshin Gudbiyey
- Aug 18, 2018
War deg deg ah oo hadda naga soo gaarey magaalada Garoowe ee xarunta Puntland ...
DHAGEYSO:-Madaxweyne Waare oo loogu baaqay in uu iscasilo
- Aug 18, 2018
Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle ayaa ku baaqay Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi ...