Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Akhriso:-Gudiga Xuduudaha Soomaaliya oo ka hadlay xuduudaha ay Soomaaliya la wadaagto wadamada deriska ah

Guddiga Madaxa bannaan ee xudduudaha iyo federaalka Soomaaliya ayaa faah-faahin ka bixiyay qorshaha ku  aaddan is-waafajinta Dastuurka iyo sharciyada la xariira  arrimaha xadka ee aynu la wadaagno Waddamada deriska ah iyo xal ka gaarista caqabadaha xudduuddaha maamul Goboleedyada Dalka.

Guddoomiyaha guddiga xudduudaha iyo federaalka Soomaaliya, Khalliif C/kariin Maxamed, oo u warramayay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ay kulamo la qaateen guddiyada howlahan u xil-saaran ee Labada Aqal ee Baarlamanka Soomaaliya, iyagoo ka munaaqishooday sidii arrintan xal buuxa looga gaari lahaa.

Guddoomiye Khalliif ayaa sheegay in xudduuddii rasmiga ahayd ee u dhexeysay Soomaaliya iyo Kenya ay tahay Silig uu gumeystihii Ingiriiska ku kala xadeeyay Labada Dal, balse ay Dowladda Kenya isku dayday inay Gidaar ka dhisto, taasoo ay Dowladda Soomaalya ka Biya diidday, keentayna in Labada Madaxweyna ay ka wada hadlaan sidii loo joojin lahaa dhismaha Derbigaas.

Wuxuu sheegay Khalliif inay Soomaaliya iyo Kenya ka dhexeeyaan dano badan oo ay ka mid tahay, isu socodka Dadka iyo Ganacsiga, maaddaama ay Ciidamada Kenya qayb ka yihiin howl-galka Midowga Afrika ee AMISOM.

Xudduudaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayuu sheegay inay dhowr mar Ciidanka Liyuu Boolis ka geysteen shaqaaqo ay ku dhinteen Dad Shacab ah, taasoo ah mid u baahan in Labada Dowladood ay ka wada xaajoodaan si dhibaatada Xadka ka jirta loo yareeyo.

Wuxuu sheegay Guddoomiye Khalliif, in ay Madaxda Dalka ugu sarreysa ay u gudbiyeen caqabadaha ka jira xuduudaha ay Soomaaliya la wadaagto Dalalka deriska ah, qorshaha arrimahaa kaga degsanna uu meel wanaagsan marayo.

Guddoomiye Khalliif ayaa waxa kale uu sheegay inay ku howlan yihiin dhammaystirka nidaamka sharci ee xudduudaha Dalka, si loo yareeyo Khilaafaadka mararka qaar ka dhex dhaca maaul Goboleedyada Dalka ee ka dhasha soohdimaha ay wadaagaan.

 

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. c/qani says:

    WAXLAGARANKARO OO UU NINKAANIKAHADLAY MAJIRO
    SABABTUNA WAXAYTAHAY IN AY *DOWLADA FEDARAALKA AH IYO MAAMULGOBOLEEDYADUBA” AYKABAQAYAAN INEY LAHADLAAN (KENYA IYO ITOOBIYA.

    KENYA IYO ITOOBIYA LABADUBA GOBOLO SOOMAALIYEED AYAY XOOG KUHAYSAAN.

    HADANA GOBOLADII XORTA AHAA AYAY XOOG KUJOOGAAN!! DEGAANADA DHIBAATADU KAJIRTAANA WAA DHULKA SOOMAALIYA AMA DHULKII LAGUMAYSANAAYAY HANOQDO AMA DHULKII XORTA AHAA HANAQDEE??

    SIDAASI DARTEED HADII[AYDAAN AWOODIN IN AADKAHADASHAAN XAQUUDA DALKA IYO SHACABKA SOOMAALIYEED ARRINA HA’UGASIIDARINA?

    SHACABKA SOOMAALIYEED WAYISAGA FILANYIHIIN ITOOBIYA IYO KENYA EE DOWLAD KUSHEEGAAN” AYAA ‘QAS IYO LAB KUHAYSA HALGANKA XAQ’ UDIRIRKA IYO XORIMADOONKA?? SOOMAALIYEED.




ad

Latest News

DAAWO:-Wasiirka Boostada & Isgaarsiinta oo soo xiray Shirka Xifadleyda Teknolojiyada Soomaaliya
- Oct 22, 2018
Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada ayaa si rasmi ah u soo xiray shirweynaha 3aad ...
TOOS:-Xaruunta Tala soo jeedinta Somaliyed oo Dood kusaabsan Doorka Ay Culimada Ahlu-sunny Wal jamaaca Ka qaadan Karaan Sugida Amniga
- Oct 22, 2018
[embed]https://www.facebook.com/sbcsomalitv/videos/2184875958417760/[/embed]
DHAGEYSO:-Baydhabo Oo Dib Loo Fasaxay Gaadiidka Bajaajta Iyo Noah Oo Markii Hore La Mamnuucay
- Oct 22, 2018
16 Bishaan ayaa War ka soo baxay Booliiska baydhabo lagu joojiyay in magaaladaas ay ...