Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Labada Masuul Ay Isku Badashey Xukunka Ogadenia Waa Isma Dhaanto Iyo Dhasheed.(Qormo Xiiso Leh) W/Q: Mohamed Sh. Abdullahi.

Dhagartii Tigreega (TPLF) iyo midda Amxaarada (PG7).

Shacabka Ogadenia waxaa gumaaday TPLF waxayna adeegsatay Liyu Police oo sameeyay xasuuq iyo dhaqan tirtirid,

Waxaa shacabka Ogadenia ku dhacay dhibaatadii ugu xumayd ee taariikhda soo marta inta la xusuusto waxaana lagu tilmaami karaa “Rogmasho”.

TPLF Markii xukunku ka wareegay waxay loollan adag la gashay OPDO oo xukunka Addis Ababa la wareegtay; TPLF oo rabta inay fashiliso maamulka cusub ee OPDO waxay adeegsatay gacanyarayaashii iyo maamulladii ay horay u dhisatay waxayna colaado ka dhex Abuurtay qawmiyadaha Dariska ah waxaana ugu saamayn badnaatay colaadda Somalida iyo Oromada laba sababood,

Arinta kowaad (1) Oromadu waxay sheeganayaan dhul aad u ballaadhan oo Somalidu deggantahay kana tirsan maamulka Somalida,

Arrinta labaad (2) maamullada Oromada iyo Somalidu waxay la kala jiraan Amharada iyo Tigreega oo si adag isaga soo horjeeda waxayna dabada ka riixayaan dagaalkan “ proxy war” Oromada iyo Somalida.
Halgankii ONLF muddada dheer ku jirtay si ay ugu guulaysato waxay isbahaysi la samaysatay OLF oo hormuud u ahayd qawmiyada Oromia, waxaana isku xidhmay halganka labada shacab ee Oromo iyo Somali.

Markii taageerayaasha OLF ay Oromia ka billaabeen gadoodka iyo bannaanbaxa waxay ururrada Amxaarada ee Patriotic iyo Ginbot 7 u hawlgaleen sidii ay u afduubi lahaayeen kacdoonka Oromada, waxaa halkaa ka billawday sheekadii la baxday “labada qawmiyad ee waawayn”, PG7 waxay dibadda ka kasbadeen Juwar Mohamed iyo ururka yar ee ODF kuwaas oon saamayn badan lahayn markaas; Qawmiyadda Amxaarada oo aaminsan inaan Oromo la’aan waxba u hirgalaynin waxay isku xidhay maamullada Oromada iyo Amxaarada, waxayna gacanta ku dhigeen OPDO oo si dhib yar ula wareegay kacdoonkii Oromia.

Markii isbadalku dhacay ee la sii daayay dhammaan maxaabiistii ku xidhnayd Jeelasha Ethiopia waxaa la sii ciqaabayay maxaabiistii ku xidhnayd Ogadeeniya,

Dadka waddanka uga maqnaa cabsida Gumaysigana kuma ayna noqon karin Ogadenia, guud ahaanna shacabka iyo Ururrada siyaasadeed ma ayna arag wax isbadal ah marka laga reebo maxaabiistii ku xidhnayd Jeelasha fadaraalka oo la sii daayay; Maamulka Jigjiga oo ka amarqaadanaya TPLF waxay billaabeen inay ballaadhiyaan colaadda waxayna ku baaqeen in duullaanka Oromada loo midoobo waxaana meelo la sudhay calanka ONLF.

Dhanka kale OPDO oo adeegsanaysa awoodda ciidamada Federalka, iyaga oo jiidhaya shacabka somalida ah oo waligoodba dareen ka qaba ciidamada Ethiopia, waxay weerareen Jigjiga iyaga oo burburiyay nidaamkii iyo noloshii magaalada waxaana halkaa ka dhacay qax iyo bililiqo.
Aqoonyahanka iyo Odayaasha Ogadenia waa inayna ku khaldamin siyaasadaha labadan kooxood ee iska soo horjeedda,

Siyaasadaha lagu laynayo laguna qixinayo shacabka Ogadenia way ina khusaysaa inaan ka jawaabnana waa lagama maarmaan waxaase loo baahanyahay inaan lagu milmin labadaa kooxood midkoodna; Gaar ahaan JWXO iyo taageerayaasheedu waa inaan dadka u qeexnaa hardanka jira iyo dhagarta ay labadaa kooxood wadaan, waxaan u baahanahay inaan shacabka Ogadenia ka saarro siyaasaddii TPLF iyo gacanyarayaashii oo wali u adeegaya.

Sida aan la wada soconno Ethiopia way karkaraysaa waxayna u egtahay inayna sii wada joogaynnin muddo dheer; Ogadenia oo ku naafatay colaaddii TPLF iyo dhabarjabintii Somalida waxay u baahantahay soo kabasho, dib u dajin iyo fiirsasho dheeraad ah, in colaad laga dhex abuuro Oromo iyo Somali iyaga oon iska dulqaadin reeryada gumaysiga waa gaf siyaasadeed “Political blunder” oy galayaan masuuliyiinta labadan qawmiyadood,

Sidaa darteed colaadda iyo nabaddu waa inay ahaadaan wax gacanteenna ku jira oo innaga inaga go’a, haddaba qiimi kasta oy ugu kacayso waxaa waxgaradka Ogadenia la gudboon inay si degdeg ah u damiyaan xiisadaha iyo colaadaha ay abuurayaan ururrada Amxaarada.

 

W/Q: Mohamed Sh. Abdullahi

Oo Wax Ka Qora Arimaha Siyaasadda G/Africa.

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

DHAGEYSO:-Siyaasi salaad cali jeele madaxtooyada somalia maxaa ka jira in uu lacag ka qaato si uu u tageero DFS ?
- Aug 18, 2018
Siyaasiga Salaad Cali Jeelle  ayaa waxa uu ka hadlay taageerada uu siiyo dowladda Federaalka ...
DHAGEYSO:-Xildhibaano Katirsan Barlamaanka Puntland oo Hadda Mooshin Gudbiyey
- Aug 18, 2018
War deg deg ah oo hadda naga soo gaarey magaalada Garoowe ee xarunta Puntland ...
DHAGEYSO:-Madaxweyne Waare oo loogu baaqay in uu iscasilo
- Aug 18, 2018
Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle ayaa ku baaqay Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi ...