Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Sheeko : Dareenka dawladnimo ee soomaalida .

Waxay ahayd abaarihii 8: 30  laba saac iyo bar fiidnimo waxaan soo fariistay Maqaaxi caanaha iyo shaaha lagu iibiyo  , waxaan soo dhinac fariistay oday weyn oo waayeel ah oo aan ku qiyaasay  da’diisa  65 sano , waan salaamay , salaantii buu iiga qaaday si farxad leh ,wuxuu iweydiiyey magacayga ? waxaan iri Cabdirisaaq, horay ayuu sheego iiga bilaabay sidii qof aad ii garanaya ,si dareen leh ayaan u dhegaysanayey sheekadiisa sheekadiisa , waxaanba ilaaway inaan wax dalbado ,wuxuu u dhawaaqay qofkii maqaaxida ka adeegayey oo ku yiri “ Ninkaan shaah u keen “ Markaas ayaan iri adeer mahadsanid ,shaaha ma cabo , markaas ayan dalbaday koob caano ah .

Sheekadii ayuu halkii iiga waday in mudo ah , anigoo jeclaysanaya sheekada odayga waxaa TV horteena yaalay kasoo warkii fiidnimo sheekadii ayuu joojiyey , aniguna waxaan u jeestay inaan warka xoogaa ka daawdo , 15 daqiiqo kadib ayaan usoo jeestay dhinacii odayga , Mise odaygii wuuba oynayaa ilinta indhihiisa katimi ilaa dhuuntiisa ayay so gaartay |

Aaad baan u naxay waxaan u maleeyey in xaalad caafimaad qabstay , Intaan kacay ayaan hortiisa soo fariistay oo aan ku iri adeer ,maxaa kugu dhacay ii sheeg , adeer maxaa kugu dhacay ? laba jeer ayaan dhakhso ugu iri , ?

Wuxuu igu yiri “ Adeer hoos u hadal dadkaas yaanay ina maqline waxaan la ooyay dadkaas hadaan u sheego wax waalan bay ii malaynayaane lknse adiga waan kuu sheegayaaye meeshaadii hore soo fariiso “

Haye ayaan dhahay booskaygii ayaan kusoo laabtay , markaas ayaan iri adeer ii sheeg waxa kaa oohiyey,

Wuxuu iigu jawaabay “ Adeer waxaan la ooyay macaanka dawladnimada faaiidada ay leedahay , karaamada qof ahaan aad qof ahaan dareemayso markaad dawlad leedahay . waxaan la qiirooday Qodob kujira warka hada aan daawanaynay , oo ah Dawlada yar ee aan walaalaha nahay ee jabuuti oo diyaarado udirtay ethopia si ay usoo daad gurayso dadka jabuutiyaanka ah ee halkaas jooga maadaama dagaalo ka dhaceen wadanka Ethopia , eeg dawladaas yar waxay u daqnatay dadkeedii , waxaa macno ugu fadhiya hal qof oo dadkeeda kamid ah , wasiiradii jabuuti oo dhan ayaa garoonka kusu gayey dadkaa ethopia laga keenaya intii xanuunsanayd markiiba cisbitaal ayaa horay laga geeyey , diyaaradaha loo diray waxay ahaayeen bilaash , waa karaamada iyo faaiida ugu yar ee dawladnimo leedahay , intaas markaan daawaday ayaan soo xasuustay beri hore soomaaliya karaamaday aduunka ku lahayd iyo hada oo dadka soomaaliyeed meel kastoo aduunka kamid ah lagu dhibaataynayo oo cid wax iskaga tirinaysaa jirin waayo dawlad malahan , Adeer walaahi intaas ayaan la ilmeeyey ee hayla yaabin .

Waxaan ugu jawaabay adeer kula yaabi maayo waxaad la oysay wax Gar ah ,Insha allah soomaaliya karaamadeedii way soo laabnaysaa , Rajo ayaan leenahay marna Quusan ,

Intaa kadib wuxuu igu yiri adeer intaad sheegtay allah haynoo aqbalo , Aamiin aamiin ee waan sii baxayaa caawa qayru masuul baan noqday xaafadii ayaan ka daahay .

Waxaan ku iri adeer iga ogolow inaan kusii qaado oo aan xaafadaada ku geyo , wuxuu iigu jawaabay adeer mahadsanid in badan aniguba Baabuur waan watay habeen wanaagsan Rabigey Hakula jiro .

Waxaan is weydiiyey waxa odaygaas weyni dareemayo ma dareemayaan macnose ma ugu fadhidaa soomalidaa ?

Qore : Abdirizak Jubba

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

DAAWO:-Wasiirka Boostada & Isgaarsiinta oo soo xiray Shirka Xifadleyda Teknolojiyada Soomaaliya
- Oct 22, 2018
Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada ayaa si rasmi ah u soo xiray shirweynaha 3aad ...
TOOS:-Xaruunta Tala soo jeedinta Somaliyed oo Dood kusaabsan Doorka Ay Culimada Ahlu-sunny Wal jamaaca Ka qaadan Karaan Sugida Amniga
- Oct 22, 2018
[embed]https://www.facebook.com/sbcsomalitv/videos/2184875958417760/[/embed]
DHAGEYSO:-Baydhabo Oo Dib Loo Fasaxay Gaadiidka Bajaajta Iyo Noah Oo Markii Hore La Mamnuucay
- Oct 22, 2018
16 Bishaan ayaa War ka soo baxay Booliiska baydhabo lagu joojiyay in magaaladaas ay ...