Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

TOPNEWS:-Xildhibaan Sagal Isaaq Biix oo hal arin ku dhaliishay dowladda somalia

Xildhibaan Sagal Isaaq Biixi oo qoraal soo dhigtay tirsiga ay ku leedahay barta twitter ayaa sheegtay in uu yahay wax lagu qoslo mowqfika dowladda federaalka ah ee arimaha dibadda gaar ahaan arinta ka dhex taagan canada iyo sucuudiga

“Waa wax lagu qoslo oo meel ka dhac ku ah guud ahaan haweenka meel walba oo ay joogaan, gaar ahaan dumarka Soomaaliyeed. Intii aan u doodi lahayn xuquuqdooda waxa aan dhinac istaageynaa wadan uu ka jiro dhaqanka carsi-jaahiliga, oo haweenka ula dhaqma sidii wax liita oo aan qiimo ku fadhin, waxa aan garaaceynaa durbaanka niyad-jabka” ayey tiri xildhibaan Sagal Isaaq Biixi.

Qoraalkeeda ayaa intaas ku daray, “Warqaddan-Bayaanka dowladda Soomaliya-kama hadleyso waxa ka dhex jira Sacuudiga iyo Kanada balse waxa ay bidhaamineysaa heerka sida arrimaha haweenka aysan ugu jirin siyaasadeenna iyo go’aamadeenna maalinlaha ah-waa wax laga xumaado” ayey tiri xildhibaan Sagal

Xiisadda Sacuudiga iyo Kanada ayaa ka dhalatay markii ay xukuumadda Toronto sheegtay in ay aad uga walaacsan tahay xiritaanka loo gaystay dad xuquuqda aadanaha u dooda.

Dadka la xiray waxaa ka mid ah Samar Badawi oo u dhaqdhaqaaqda xuquuqda dumarka oo Sacuudiga u dhalatay haysatana dhalashada Maraykanka.

Samar ayaa ku baaqaysay in la so af jaro habka Sacuudiga looga dhaqmo ee muxramka.

Xiritaankan ayaa yimid iyadoo amiiirka dhaxalka leh ee Sacuudiga Maxamed Bin Salman uu sannadkan sameeyay isbadallo.

 

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. c/qani says:

    1- MARKA HORE MAXAAKEENAY IN WASIIRO IYO XILDHIBAANO SIDAAS U FARABADAN OO CANADA” DHALASHO KAHAYSTAA AY KALIGOOD KASHAQEEYAAN DOWLADA FEDARAALKA AH, ARRINTAAS LAFTEEDA AYAABA CADAALAD DARRO AH.

    2- MARKALABAAD MAXAYTAHAY XAQUUQDA AY *GABAR DHALIYARO AH OO REER SACUUDI AHI AY U RAADINEYSO IN (DUMARKA SACUUDIGU) SHARAFTOODA IYO DIINTOODA AY LUMIYAAN “DHARKANA DHIGTAAN??

    MAXATAHAY XAQUUQDA KUJIRTA IN LAYSQAAWIYO??

    *SAGAL BIIXI, WALAAL sooma’ogid dhulaani inuuyahay dhulkii (barakaysnaa) EE NABI MAXAMED CSW DIINTA ALLAAH KUSHARFAY WAXWALBA OO NOLOSHA AADANAHU U BAAHANTAHAYNA LOODHAMASTIRAY??

    SAGALAY SOOMA’OGID, DIINTA OO LAGUTUNTAA AYLEEDAHAY FAQRI IYO COLAAD, IYO DHIBAATOOYIN AAN CIDINA XALIKARIN??

    @SAGAL BIIXI-YAY SOOMA’OGID IN DUMARKA REER GALBEEDKA OO AY DUMARKA CANADA” KUJIRAAN AYRAADINAAYAAN INEY DIINTA ISLAAMKA QAATAAN XIJAABKANAAX XIRTAAN?

    SI AY OOGANABAD GALAAN KHUURSIGA IYO BADILKA IYO XAQIRAADA LAGUHAYO?? BAL ARRINTAAS SIFIICAN U SOOBAAR “SAGAL BIIXI-YAY.

    SIDA AY WARBIXINO BADANI AY SHEEGAAYAAN DALALKA’ REER GALBEEDKU WAA DALALKA AY *DIINTA ISLAAMUKU* FIDIDABADANTAHAY, WALIBA DUMARKA AYAA OOGUBADAN AYAA WARBIXINTO AY QOREEYSAA??

    SIDAASI DARTEED (SAGAL BIIXI-YAY) BAL DARAASADAADA KUNOQO OO MEELOBADAN KAFIIRI”
    XAQUUQDA ISLAAMKUNA WAYDHAMAYSTIRTAY XAQUUQDA BINI AADAMKA IYO WALIBA XAYAWAANKA?

    LAAKIINSE YAAN LADAGDAGIN OO WAXAAN XAQ AHAYN XAQLOOMALAYNIN?

    CANADA WAYKUMAHADSANTAHAY HADII AY SHACABKA SOOMLAALIYEED CAAWISAY XILI AY U BAAHNAAYEEN’ LAAKIINSE KULAMAANAN HESHIININ INEY DIINTA ISLAAMKA” IYO DADKA MUSLIMIINTAA KUXADGUDUBTO AMA AY “DAANDAANSATO”

    SHARAFTA IYO CAAWIMAADA AY SACUUDI CARABIYA” NOOGASHAYNA ALLAAH AYUUNBAA XISAABIKARA. LAAKIINSE MA’AY SHEEGSHEEGAAN SIDA GAALADA OO KALEETO?

    LAAKIINSE GAALADU WIXII AY KUGU CAAWISO WAXAA DABASOCDA, INEY DIINTA ISLAAMKA”
    MAAGMAAGAAN!! MARKADANBANA AY KULADAGAALAMAAN?? SABATOO AH MAALIN HEBLA AYAANU IDINCAAWINAY??

    WAANA TII UU KADARDAARAMAY JANNO GALIHII (SAYID MAXAMED C/LLE XASAN. ANAADIIDAY “DEEQDOODA AY NAARI DABATAALE, ANAADIIDAY MAANTUU LAHAA DUUNYO IGA HOOYE, ANAAN LABAD DAAROOD TANHORE DARAJO MOODAYNE. TUSAALAHAASI NAGUFILAN.

    SIDAASI DARTEED (XILDHIBAANAD SAGAL BIIXI-YAY ADIGGA LAFTAADU WAXAY TAARIIKHYAHANADA SOOMAALIDU QIRAAYAAN INUU (AWOOWGAA) BIIXI ILAAWE UU AHAA NIN GABYAA IYO HALGAMAA WEYN AH OO UMMADDA SOOMAALIYEED TAARIIKH WEYN KUDHEX LEH.

    SIDAASI DARTEED WAXAA WAA INUU JIRAA MIISAAN WEYN OO WAX LAGUCABIRAA EE AYNAAN NOQONIN SHACAB WAXLOOYEERIYO AMA *SAXAAFADA REER GALBEEDU AY WAX U YEERISO AMA WAXKUSHUBATO??




ad

Latest News

DHAGEYSO:-Siyaasi salaad cali jeele madaxtooyada somalia maxaa ka jira in uu lacag ka qaato si uu u tageero DFS ?
- Aug 18, 2018
Siyaasiga Salaad Cali Jeelle  ayaa waxa uu ka hadlay taageerada uu siiyo dowladda Federaalka ...
DHAGEYSO:-Xildhibaano Katirsan Barlamaanka Puntland oo Hadda Mooshin Gudbiyey
- Aug 18, 2018
War deg deg ah oo hadda naga soo gaarey magaalada Garoowe ee xarunta Puntland ...
DHAGEYSO:-Madaxweyne Waare oo loogu baaqay in uu iscasilo
- Aug 18, 2018
Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle ayaa ku baaqay Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi ...