TOPNEWS:-Maxaa Ka Soo Baxay Kulamo Looga Hadlayey Tukaraq oo Dhexmaray Isimada SSC iyo Beesha Caalamka
Wararkii ugu dambeeyey ee aanu ka helayno magaalada Garoowe ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay ay kulamo xasaasi ah Garoowe ku lahaayeen wafuud ka socota Urur goboleedka IGAD, qaramada Midoobey, daneeyayaasha arrimaha Soomaaliya iyo odayaasha iyo isimada gobolada Sool iyo Sanaag.
Kulamadaan xasaasiga ah ayaa waxaa diiradda lagu saarayey sidii loo baajin lahaa dagaal markale deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ku dhexmara ciidamada Puntland iyo Soomaaliland oo bilihii ugu dambeeyey halkaasi isku horfadhiyey.
Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa wuxuu aqbalay sidda uu sheegay dhexdhexaadinta Beesha Caalamka, isagoo sheegay in ay rajo wanaagsan ka qabaan in la dhameystiro arrimaha dagaalka oo la baajiyo.
Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ka sheegay Garoowe munaasabad lagu qabtay in ay difaacayaan Sool, taas oo uu sheegay in ay ka saarayaan Somaliland marar badan.
Qorshaha nabadaynta ee ay wadaan IGAD, Qaramada Midowbay, Mareykanka iyo UK ayaa ah in la baajiyo dagaal dhaca, waxaana 7dii bilood ee lasoo dhaafay ay maamulada Puntland iyo Somaliland, ciidan badan geeyeen goobaha ay isku horfadhiyaan waxaana xili kasta cabsi lagi qabi karaa dagaalo dhaca.