Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

DAAWO:-Magaalada Taageer ee Degmada Baargaal oo lagu caleema saaray Nabadoon C/laahi Nabadoon Caynab

Magaalada Taageer ee Degmada Baargaal ee gobalka Gardafuu waxaa lagu caleema saaray Nabadoon Cabdulaahi Nabadon Caynab muuse Xaaji Samatar oo Nabadoon u noqon doona Beesha Liibaan Cabdisamad ee Beelaha aadan Cabdiraxmaan ee Siwaaqroon.

Xalafada caleema saarka oo ahayd xaflad lagu caleema saaro Nabadoon tii ugu waynayd oo lagu qabto deeganada gobolka Gardafuu iyo Calbari ayaa ahayd mid si qurux badan loo soo agaasimay iyadoo lagu saleeyay Hidaha iyo dhaqanka soomaaliyeed ayaa waxaa ka soo qayb galay dhamaan Nabadoonada deegaanka iyo Nabadoono iyo cuqaal ka kala yimid degmooyinka iyo magaalooyin waawayn ee Puntland iyo Soomaaliya iyo Aqoonyahano iyo waxgarad ka yimi dalalka deriska ah, samadoono, culamaaudiin , masuuliiyin ka socada Dawlada Puntland oo uu hogaaminaayay Xildhibaan Salaad Xareed cali, iyo sidoo kale gudoomiyaha Gobolka Gardafuu Maxamuud Axmed Caynab Gubsul iyo Gudoomiyaha Degmada Baargaal Abuukar Axmed Yuusuf iyo Taliyaha Qaybta Gobolka Gardafuu taliye shire Cabdi ismaaciil iyo marti sharaf kale oo kor dhaafay 700 oo qof.

Isimadii iyo Nabadoonadii ka hadlay Caleemasarka oo ka jeediyay madashii caleemasaarka khudbado isugu jiray Dardaaran iyo Duco ayaa waxa ay sheegeen in ay Nabadoonka Cusub ay ku soo dhaweeynaayaan Saaxada Nabadoonada islamarkaana ay garab taagan yihiin.
Inta badan Masuuliyinta ka soo Qeb Gashay Caleema saarka oo goobta ka hadalay ayaa balan qaaday in ay soo dhaweeynayaan Nabadon Cabdulaahi Nabadoon Caynab islamarkaana ay alle uga baryayaan in uu xilka u fududeeyo.

Nabadoon cabdulaahi Nabadoon caynab oo ugu danbayntii ka hadlay munaasimda caleemasaarka ayaa marka hore bogaadiyay sida wayn ee loo soo ajiibay oo looga soo qaybgalay xaflada caleemasaarkiisa asagoo ka codsaday in ay la shaqeeyaan wuxuuna u duceeyay dadka iyo dalka in ilaahay u siyaadiyo nabadda , kana dulqaado abaarta uguna badalo raxmad iyo barwaaqo.

Waa markii ugu horeesay Caleemasaar Noocaan oo kale ah uu kadhaco deegaanada Calbari iyo gobolka gardafuu

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

DEG-DEG:-Madaxweyne Farmaajo iyo Wafti uu Hoggaaminayo oo Goordhaw Ka Dhoofay Dalka….
- Feb 23, 2019
Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa goordhaw ka ...
Ururada Daacish iyo Alshabaab oo uu Dagaal ku Dhex maray Gobalka Bari
- Feb 23, 2019
Warka ka imaanaya deegaanka Dhaadaar ee gobolka Bari ayaa sheegaya in saaka waaberigii uu ...
Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland”Baardheere waxaan u joogaa in aan Xaliyo Xiisadda ka jirta”
- Feb 23, 2019
Madaxweyne ku xigeenka 1aad ee Maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo wareysi siiyay Kalfadhi ...