Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

W-murtiyeedka Shirkii khamiislaha ahaa ee Golaha Xukuumadda Dawladda Puntland

Shirkii Golaha Xukuumadda Dawladda Puntland oo uu Shir-Guddoominayey Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa looga hadlay arimaha kala ah Amniga dalka, Xeerka tayo-dhowrka kheyraadka Badda Iyo Warbixino kale.

Xaaladda Amniga Dalka:

Golaha Xukuumada Dawladda Puntland oo warbixin  ka dhagaystay Wasaaradda Amniga ayey ku sheegtay in guud ahaan dalku xasiloon yahay, waxayna golahu cadeeyeen in si dhow loola socdo talaabo cadna laga qaadayo isku-dayada malgan ee ay maleegayaan nabadiidku gaar ahaan maleyshiyaada kasoo duulay Hargaysia.

Sidoo kale Golaha Xukuumada Dawladda Puntland oo ku dheeraday Amniga dalka ayaa faray shacabka Puntland inay lashaqeeyaan laamaha Amniga gaar ahaan ciidamada qalabka sida ee u taagan difaaca iyo xoreynta dalka.

Ansixin Xeerka Tayo-dhowrka Kheyraadka Badda Puntland.

Golaha xukuumada Dawlada Puntland oo warbixin kooban ka dhageystay Wasaaradda Kaluumeysiga iyo kheyraadka Badda ayaa ansixiyey xeerka tayo-dhowrka kheyraadka Badda Puntland.

Xeerkaan oo qeexaya ka faa’idaysiga guud ahaan kheyraadka Badda Puntland gaar ahaan kaluunka iyo adeegsigiisa casriga ah ayey golaha xukuumaddu si aqlabiyad ah ku meel mariyeen.

Warbixino:

Golaha Xukuumadda Dawladda Puntland ayaa warbixin ka dhagaystay Wasaaradda Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ah oo kawar bixisay shirkii SDRF ee Muqdisho, sidoo kale guddiga dabagalka iyo tirokoobka gaadiidka Dawladda (GD) ayaa ka warbixiyey habka tixraaca iyo adeegsiga gaadiidka Dawladda.

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

Wasaaradda waxbarashada XFS oo shaacisay sharuudaha iyo tilmaamaha todobaadka Imtixaanka shahaadiga
- Apr 25, 2019
Wasaaradda waxbarashadda hiddaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay ...
DAAWO SAWIRRO:-Wasiirka Ganacsiga Somalia oo Beijing kula kulmay Madax ka tirsan Dawladda China
- Apr 25, 2019
Shir u dhexeeya dowladaha Afrika iyo Shiinaha oo ku saabsan iskaashi iyo wax wada ...
DAAWO SAWIRRO:-Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Dalka Oo la Kulmay Agaasimaha Guud ee Norway U Qaabishan Arrimaha Goballada
- Apr 25, 2019
Wasiir dowlaha arrimaha dibadda xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Axmed khayr Cabdi ayaa maanta ...