Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista hawada oo war ka soo saaray diyaaradaha aan badqabkooda la isku haleyn karin
Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Maxamed C/llaahi Salaad (Oomaar) ayaa ka hadlay go’aan dowladda Kenya ay ku koojisay illaa 40 Duulimaad oo tagi jiray Kenya oo ay ka mid yihiin diyaarado ka bixi jiray Soomaaliya.
Wasiir Maxamed C/llaahi Salaad Oomaar oo warbaahinta kula hadlay Garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aaney ogolaaneynin in garoomadeeda ay isaga tagaan diyaarado aan badqabkooda la isku haleyn karin.
Waxaa uu sheegay inay dhiseen Guddi baara shirkadaha diyaaradaha ee duulimaadyada tooska ah sameeya, kuwaasoo uu sheegay iney leeyihiin go’aamada lagu joojinayo shirkadaha aan la isku haleyn karin Tayadooda.
“Diyaaradaha shakiga ku jiro inay duulaan idinka ayaa Khubaradii ah, idinka ayaa la idin dhaafayaa, shuuruucdii waad heysataan diyaarada aad aragtiin in aysan Istaahilin inay duusho ee hore loo fasixi jiray ma dhaceyso maanta wixii ka bilowdo, ma jirto qof sharciga ka sareeyo” ayuu yiri Wasiir Oomaar.
Waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya iney mas’uuliyadeeda qaadaneyso qofkii wax ku noqdo diyaaradaha dalka ka dhoofa, marka Baaritaanka la sameeyo kaddib.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in Guddigan loo xil saaray inay la socdaan tayada iyo Badqabka Diyaaradaha Soomaaliya ka dhoofa ama soo ka daga looga baahanyahay iney u cadaalad falaan Ganacsatada Diyaaradaha.