Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

TOPNEWS:-Deegaanka Ufurow oo lagu dilay masuuliyiin ka tirsan shabaab

Maamulka Koonfur Galbeed Ee Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay in xalay uu hawlgal ku dilay Sarkaal ka tirsanaa Ururka Al Shabaab, kaasi oo ka dhacay Deegaanka Ufurow ee Gobolka Baay.

Hawlgalkan ayay Koonfur Galbeed sheegtay inay fuliyeen Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxaana ciidanka hawlgalka fuliyay ay ka baxeen Degmada Qansax-dheere ee Gobolka Baay.

Saraakiisha Ciidamada Koonfur Galbeed ayaa waxa ay sheegeen in hawlgalkaasi lagu dilay Guddoomiyihii Shabaabka ugu magacawnaa Ufurow oo lagu magaciisa lagu soo gaabiyay Ibdiyow.

Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed, Xasan Xuseen Maxamed ayaa bogaadiyay hawlgalka ay ciidanka ay ku dileen Guddoomiyihii Shabaabka ugu magacawnaa Ufurow.

Wasiirka Xasan Eelay ayaa Ciidamada Koonfur Galbeed ugu baaqay inay kordhiyaan weerarada gaarka ah, ee ay ku beegsanayaan Saraakiisha Ururka Al Shabaab ee ku sugan Degaanada Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa maalmo kahor amray in ciidamada ay qaadaan dagaal ka dhan ah Shabaab, si looga saaro degaanada gobolada Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose.

 

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

DAAWO SAWIRRO:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Iyo Wafdi Baaladhan uu Hogaaminayo oo Magaalada Boosaaso Lagu Soo Dhaweeyay
- Sep 22, 2018
Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariikhdu tahay 22 ...
Akhriso:-Madaxweyne Xaaf oo Wafdigii Aqalka Sare u gudbiyey Warqad Cabasho ah
- Sep 22, 2018
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa maanta waxa uu kulan sagootin ...
DAAWO SAWIRRO:-Qaraxyo isxigay oo goor dhow ka dhacay Wadada Maka Al-Mukarama
- Sep 22, 2018
Labo qarax oo is xigay ayaa goor dhow ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan ...