Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Abiye Axmed Oo fariin Adag U Diray madaxweyne cabdi maxamuud cumar

Warar soo baxaaya ayaa sheegaya in Ra’isul wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Axmed uu wado qorshe lagu xidhayo Xabsiyada ku yaalla dhulka Dawlad degaanka Soomaalida Itoobiya.

Ra’isul wasaare Abiy ayaa Madaxweynaha DDSI Cabdi Maxamuud Cumar u gudbiyay warqad lagu qeexay in dhaqan galinta talaabada lagu doonayo in lagu xidho Xabsiyada waaweyn sida Jeelka loo yaqaan “Jeel Ogadenia”.

Jeel Ogadenia ayaa inta badan waxaa lagu xiraa maxaabiista ONLF, gaar ahaan kuwa lagu qabto howdka dagaalka iyo kuwa laga soo dhiibo dowladaha jaarka la ah Ethiopia.

Ra’isul wasaare Abiy Axmed, ayaa la xaqiijiyay in Cabdi Maxamuud Cumar  uu ku wargaliyay in dhammaan maxaabiista loo heysto kiisaska waaweyn dib loo furo gal dacwadeedkood si ay u helaan cadaalad, halka kuwa kale loo wareejinaayo Xabsiyada kale ee ku yaala magaalada Addis Ababa.

Abiy Axmed waxa uu ka digay in Xabsiyada ku yaala magaalada Jigjiga ay sii furnaadan, waxa ayna xogtu tibaaxeysaa in furnaanshiyaha loo ogolyahay keliya Xabsiyada yaryar iyo Saldhigyada oo lagu sii heyn doono maxaabiista inta lagu hayo baaritaanka.

Madaxweynaha DDSI  ayaa muddo kooban loo siiyay inuu ku faarujiyo Xabsiyada waaweyn oo ay ku jiraan kuwo ku yaala buuraha, halka qaarna ay ku yaalan dhulka hoostiisa.

Sidoo kale, Abiy ayaa qorshaha xirista Xabsiyada Jigjiga ula gol leh kasbashada dhammaan maamulada hoostaga dowlada Ethiopia.

Dhinaca kale, Abiy ayaa rumeysan in dadka ugu badan ee xidhan ay yihiin kuwo loo heysto tuhun isla markaana lamarin baaritaan dhab ah.

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. c/qani says:

    OLNF OO KALIYA MAAHEE XABSIYADA *JIGJIGA WAXAA KUXIRAN DADKALEETO OO SHACAB AH OO SOOMAALI GALBEED IYO SOOMAALIWEYN OO DHAN LAGA SOO RAAFAY!!

    MAXAABIIS FARABADAN OO GOBOLADA SOOMAALIYA OO DHAN LAGA SOO ARUURIYAY AYAA KUMAQAN ‘INA ILEEY. GACANTIISA??

    HADABA ABEEY AXMED WAA INUU SOO XIRAA *INA ILEEY. MAXKAMADNA LASOOTAAGAA SABABTOO AH (KUMANAAN KUN OO SOOMAALI AH) AYUU DHIIGOODII DAADIYAY??

    WAXAAKALEETO OO JIRA XABSIYO WAAWEYN OO KADHISAN GUDAHA SOOMAALIYA OO AY AASAASEEN CIIDAMADA ITOOBIYA WALINA AY MAAMULAAN SIRDOONKA ITOOBIYA?? KUWAASNA WAA IN LAXIRO WAXAYNA LAMID YIHHIN XABSIGGA ‘JIGJIGA?

    WAXAYNA KUYAALAAN BADIBA MAGAALOOYINKA WAAWWEYN EE SOOMAALIYA *SIDA HARGAYSA, BOOSAASO, GAROOWE, BALADEEYNE, BAYDHABO, KISMAANYO, BAARDHEERE IYO GOBOLKA BAKOOL OO UGUDARAN??




ad

Latest News

DAAWO:-Khilaafka Kenya iyo Somaliya oo Cirka isku Shareray+Kulamo Xasaasi ah Madaxtooyada.
- Feb 17, 2019
https://youtu.be/DADJEXPUZt0
MUUQAAL:-Mustafa Cagjar oo Jigjiga Kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Itoobiya
- Feb 17, 2019
https://www.youtube.com/watch?v=2obpuzeG72A
DHAGEYSO:-Afhayeenka XisbigaWaddani”Hogaaminta Muuse Biixi Waa Ta Ku Fikireysa Daaro Dhiso Dadkii Oo Abaaro La Il Daran”
- Feb 17, 2019
Afhayeenka xisbiga Waddani Barkhad Jaamac Xirsi ayaa waxaa uu si adag u dhaliilay ...