Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

DAAWO SAWIRRO:-Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Kormeeray Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga Iyo Horumarinta Dhaqaalaha

Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo maanta kormeeray wasaaradda qorsheynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha ayaa kulan xog wareysi ah la qaatay wasiirka wasaaradda, Jamaal Maxamed Xasan.

Wasiirka qorsheynta, maalgashiga iyo horumarinta Jamaal Maxamed Xasan oo ka warbixiyay kormeerka Ra’iisul Wasare Xasan Cali Khayre uu ku tegay xarunta wasaaradda ayaa sheegay in uu xog badan ka siiyay heerka uu marayo dhaqaalaha dalka, kobaca dhaqaalaha, qiimaha maciishadda kala duwan ee dalka, qorshaha qaranka, mashaariicda kala duwan ee ka socda dalka, wax soo saarka dalka (GDP), maalgashagiga dalka, fursadaha iyo caqabadaha jira, iyo dhismaha golaha dhaqaalaha.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa kormeeray xafiisyada wasaaradda waxa uuna mid mid u waraystay agaasimayaasha waaxyada kala duwan iyo shaqaalaha wasaaradda qorsheynta, maalgashiga iyo horumarinta, waxa ayan uga warbixiyeen shaqada ay qaranka u hayaan.

Kormeerka ayaa qeyb ka ahaa howlaha kor-joogtaynta iyo dabagalka lagula socdo shaqooyinka wasaaradaha iyo hey’adaha kale ee dawladda si looga mira dhaliyo qorshaha xukuummadda ee ku salaysan isla xisaabtan, hufnaan iyo daah-furnaan.

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

DHAGEYSO:-Madax Dhaqameed Puntland Ka Yimid Oo Hargeysa Lagu Soo Dhaweeyey Iyo Ujeedkooda
- Sep 24, 2018
Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Hargeysa waxaa lagu soo dhaweeyey madax dhaqameedka ka mid maamulka ...
MUUQAAL:-Safarka madaxweynaha DDS uu ku tagay Qabribayax & Xog kale oo badan
- Sep 24, 2018
https://www.youtube.com/watch?v=gA65ENJhVUc
DHAGEYSO:-Gudoomiye Sufuroow Oo Ka Hadlay Xilka Qaadista Lagu Sameeyey
- Sep 24, 2018
Gudoomiyihii horre ee Gobolka hiiraan Cabdulaahi axmed Maalin Sufuroow Oo Ka Hadlay Xilka Qaadista ...