Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Maxkamadda Sare ee Ciidamada oo sii deysay Sarkaal u xirnaa Dilka Askari ka tirsan Ciidamada

Intaas kadib isfahanwaa soo kala dhex galay ayaa sababay in is rasaa-seyn ay dhexmarto ciidamadii waday howlgallada qorsheysan iyo sarkaal xigeenkan ka tirsan Ciidamada Booliiska waxayna sababtay dhimashada mid ka mid ah ciidamadii howlgallada waday iyo dhaawaca sarkaal xigeenkan ay maxkamadda sii deysay.

Arrintaas kadib ayaa xafiiska xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida waxa soo gaaray kiiska la xiriira dhacdadan is-gafka ku timid ee u dhaxeysay ciidamada, waxaana fadhiyo maxkamadu yeelatay iyo doodo dheer kedib horey Maxkamadda D, 1-aad ugu xukuntay sarkaal xigeenkan in la siiyo xurriyadiisa islamarkaana taliska Ciidanka xoogga dalka uu bixiyo magte askarigii ku dhintay isku dhacaasi.

Intaas kedib ayaa qareenka u dooday askariga geeriyooday ehelkiisa waxa ay qaateen rafcaan iyagoo ku doodaya in aysan ku qanacsaneen xukunka Maxkamadda Darajada 1-aad ay horay u riday taariikhdu markey aheyd 04/02/2018.

Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa aqbashay rafcaanka Maxkamadda Darajada 1-aad laga soo qaatay, waxa ayna ugu dambeyn go’aaka ku gaareen Garsoorayaasha Maxkamadda Sare in taliska Ciidanka Xoogga dalka uu bixiyo Diyada Marxuumka oo ah 50-halaad oo geel ah oo ah Megta Isha sarkaal xigeenka iyo 5-kun oo Dollar oo lagu qiimeeyay bur-bur hantiyadeed iyo dhaawac jirka kale.

Sidoo kale Maxkamadda sare ee ciidamada qalabka side amar ku bixisay K/L Bol. 4225 Cali Cismaan Ibraahim (Sankubaayo) si deg-deg ah xabsiga looga siidaayo hadii uusan u xirneyn Dembi kale, sida uu u sheegay dhammaan dhinacyada dacwadda ka qeyb galayay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida S/guuto Liibaan Cali Yarow.

Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka sida ayaa ah meesha ugu dambeysa ee go’aan looga gaaro kiisaska horey ay u soo xukumeen Maxkamadda Darajada 1-aad.

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

DHAGEYSO:-Xildhibaanada Golaha Shacabka oo hadlay Dilalkii ugu dambeeyay ee ka dhacay Muqdisho
- Sep 22, 2018
Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta Magaalada Muqdisho ku yeeshay kulanka ...
DAAWO SAWIRRO:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Iyo Wafdi Baaladhan uu Hogaaminayo oo Magaalada Boosaaso Lagu Soo Dhaweeyay
- Sep 22, 2018
Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariikhdu tahay 22 ...
Akhriso:-Madaxweyne Xaaf oo Wafdigii Aqalka Sare u gudbiyey Warqad Cabasho ah
- Sep 22, 2018
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa maanta waxa uu kulan sagootin ...