Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Akhriso:-Muuse biixi oo soo dhaweeyay hadal ka soo baxay madaxweynaha somalia

Madaxweynaha maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa soo dhaweeyay hadal dhawaan kasoo yeeray Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi [Farmaajo] oo ahaa in xabad joojin ay ka dhaqan-gasho Aaga Tukaraq.

Farmaajo ayaa sidoo kale ugu baaqay dhinacyadda isku haya Tukaraq Puntland iyo Somaliland ay khilaafkooda ku xaliyaan wadahadal, islamarkaana ka fogaadaan wax kasta oo horseedaya inuu dagaal dhexmaro markale.

Madaxweyne Biixi, ayaa sheegay in maamulkiisa uu diyaar u yahay mar walba inuu wadaxaajood ka gallo colaadda gobolka Sool ee kala dhaxeysa Puntland, taasi oo beesha caalamka iyo dowladda Federaalka labada dhinac ka codsadeen in lasoo afjaro.

Wuxuu ku eedeeyay Madaxweyne Cabdiwali Gaas in uusan diyaar u ahayn wadahadal, kadib markii uu ku dhawaaqay dhawaan in qori-caaradiisa ay Somaliland uga saarayaan degaanada ay ka haysato.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu Muuse Biixi shaaca ka qaaday in Maxaabiistii ay ku qabteen dagaalada Tukaraq ay qoysaskooda kusoo booqan karaan Xabsiyadda Somaliland, balse ma uusan sheegin waqtiga ay sii deyn doonaan.

Somaliland ayaa dagaal ku qabsatay colaadda Sool bishii Janaayo ee sanadkaan dagaal gaadmo ahaa oo ay kusoo qaadeen Tuuladda, halkaasoo khasaaro dhimasho iyo dhaawac uu ka dhashay.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa hadalkaan sheegay kadib kulan uu Xafiiskiisa kula qaatay Wafdi ka socday Hay’adda laanqayrta cas ee dalka Ingiriiska, kaasi oo arrimaha maxaabiista iyo colaadda Tukaraq ay kawada hadleen.

Beesha Caalamka ayaa xusul duub ugu jirta sidii ay u qaboojin lahayd colaada Tukaraq iyo guud ahaan gobolka Sool, taasoo hadda u muuqata mid cirka isku sii shareereysay, maadaama aysan muuqan ifafaallo nabadeed iyo qorshe wadahadal.

Todobaadkan maamulka Hargeysa ayaa ku eedeeyay ciidamada difaaca dowladda Puntland inay dileen Taliyihii Aaga Taleex, ayna dhaawaceen Duqii Magaaladda, taasoo ay ku Hanjabeen inay jawaab ka bixin doonan.

Talaabooyinkaan ugu dambeeyay ayaa waxaa loo arkaa inay yihiin kuwa sii hurinaya colaadda Tukaraq, iyo midda gobolka Sool, waxaana ay kasoo horjeeda baaqyadda Nabadda ee loo jeedinayo.

 

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. Guulwade says:

    Farmaajo is kudhadhajiya dhulka harti darood jeegaanta ma siin karo. Waxaad kutumaadeen dagaal baana kaga baxayaan. Farmaajo beesha caalamka hakurafanina. Hargaysa iyo burco. Dhalay kacaankii maanta. Harti ishaysaan. Ee runta usoo noqda wiilashiina gabileey kuceliya. Inta aan xasuuq kale idinkudhicain dad waalan baad tihiin oo ilaaway wixii shalay somali ka laga aday.




ad

Latest News

Baroordiiq |Xaaskayga
- Jul 20, 2019
Xaaskaygu isku Xirfad ayaan ahayn waxay igula kaftami jirtey “Caafimaadka waxaan u Bartay inaan Bulsho badan ...
DAAWO MUUQAAL: Muuse Biixi Oo U Soo Hanjabay Farmaajo+Dagaalka Cusub
- Jul 20, 2019
https://www.youtube.com/watch?v=RX4twNhcDlk
TOP DHAGEYSO: Xildhibaannada Ka Soo Jeeda Somaliland Oo Ka Hadlay Markabkii Xoolaha+Dagaal Siyaasadeed
- Jul 20, 2019
Xildhibaano ka tirsan labada Golle Baarlamaanka Soomaaliya ee ka soo jeeda deegaanada Soomaaliland ayaa ...