Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Akhriso:-Ra’iisul Wasaare Khayre oo ummadda Soomaaliyeed ugu Hambalyeeyay Munaasabadda Ciidul-Fidriga

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa Munaasabadda Ciidul-Firdiga ugu Hambalyeeyay dhammaan Muslimiinta gaar ahaan ummadda Soomaaliyeed ee soo dhameystay bisha Barakeysan ee Ramadaan, isaga oo u rajeeyay in Allah uu ka aqbalo acmaasha Soonka.

Ra’iisul wasaaraha ayaa hambalyo taa lamid ah u diray ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed gaar ahaan ciidamada Sugayay amniga caasimadda ee suurageliyay in bisha Barakeysan ee Ramadaan si nabad ah looga soomo caasimadda dalka.

“Waxa aan Hambalyo u dirayaa Muslimiinta oo dhan gaar ahaan ummadda Soomaaliyeed oo aan la wadaagayo farxadda Munaasabadda Ciidul-Firdiga. Waxa aan sidoo kale hambalyeynayaa una mahadcelinayaa ciidanka qalabka Sida ee Soomaaliyeed si gaar ah ciidanka sugidda amniga caasimadda oo suura geliyay in si nabad ah lagu dhameysto bisha Barakeysan ee Ramadaan”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa Shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed u rajeeyay in sanadka danbe ay ku gaaraan barwaaqo iyo horumar.

Bisha Ramadaan ee dhamaatay ayaa noqoneysa bishii ugu horeysay ee si nabad ah looga Soomo caasimadda Dalka Taariikhda dhaw, iyada oo arintaas amaanteeda ay leeyihiin laamaha amniga iyo shacabka Soomaaliyeed ee iska kaashaday sugidda amniga.

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

DHAGEYSO:-DHAGEYSO+SAWIRRO:-Dood Qaran Xiriirka iyo Wadashaqeynta Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada
- Oct 19, 2018
Madasha Talo-Wadaag ayaa Dood qaran oo ku saabsan xiriirka iyo wadashaqeynta Dowladda Federaalka iyo ...
DHAGEYSO:-Qaar ka mid ah Culimada Soomaaliyeed oo ka Soo Horjeestay Xeerka Jinsiga Ee Wasaaradda Haweenka ay Golaha Wasiirada Horgeysay
- Oct 19, 2018
Qaar ka mid ah Culimada Soomaaliyeed oo warbaahinta kula hadlay muqdisho ayaa  ka Soo ...
DHAGEYSO:-Madaxweyne Farmaajo oo baaq culus u jeediyay Wasiiradda xukuumadda RW Khayre
- Oct 19, 2018
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo guddoomiyay shirka toddobaadlaha ah ee ...