Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

DAAWO SAWIRRO:-Xaalada Magaalada Laascanod ka dib rabshado

Bartamaha suuqa magaalada Laascaanood waxaa  ka bilowday rabshado kuwaa oo sababay in Laba dumar ah uudhaawac soo gaadhey kadib markii ciidamada maamulka Somaliland rasaas ooda kaga qaadeen suuqa weyn ee magaalada Laascaanood.

Goob-joogayaal ayaa ii sheegay in rabshadu bilaabatay kadib markii ay is af dhaafeen askar Somaliland ah iyo wiil dhalinyaro ah oo watey baabuur nooca raaxada ah.

“Laba baabuur ayaa suuqa soo istaagey waxay adeeg u raadinayeen ciidamada Somaliland kadib wiil baabuur wata ayaa soo ag istaagey naga dhaqaaq ayay dhaheen wiilkii wuu diidey kadibna inay gacan saaraan bay damceen shacabkii suuqa ku ganacsanayey ayaa shiid iyo gacan qaad ku bilaabay, kadib rasaas ayay fureen laba dumar ah ayay ku dhacday”, ayuu yiri goob-jooge magaciisa diidey inaan xuso.

Labadan hablood ayaa magacyadoodu kala yihiin: Sacdiya Xirsi Cabdilaahi iyo Shugri Cabdilaahi Ducaale waxaana  hadda lagu dabiibayaa Cusbitaalka Manhal .

Shacabka ayaa markii danbe qaarkood lasoo baxeen qoryo ku waasoo rasaas ridey iyaguna waana ta sababtay in ciidamadii Somaliland yaacan iyagoo ka cararay hal qori oo nooca AK47 ah iyo agab kale oo ay kamid yihiin kabo kuwa askarta ah oo qaar kamid ah askartu haleeli waayeen inay qaataan.

Laba qof ee dhaawaca ah ayaa la geeyey Cusbitaalka adeega wacan ee Lasanod Manhal Hospital a waxaana la ii sheegay in wax looga qaban kari waayey magaalada loona baahday in la qaado hase ahaatee muran xoogan ayaa ka taagan meesha loo qaadayo.

Dadka shacabka ah ayaa isku gadaamey xarunta caafimaad ee lagu dabiibayo labada qof kuwaasoo sheegay in dhaawaca loo qaadayo magaalada Garoowe, halka maamulka Somaliland uu ku adkaysanayo in loo qaado Hargeysa.

Dhinaca kale , Waxaa jira iyana kacdoon xoogan oo dhinaca shacabka kuwaa oo markii danbe isu bedelay in laamiyada la gubo .

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

MUUQAAL:-Golaha Wasiirada Somaliland Oo Ansixiyey Miisaan-yada Xukuumada Ee Sanadka 2019
- Dec 18, 2018
Golaha wasiirada Somaliland ayaa fadhi ay iskugu yimadeen waxaa ay ku ansixiyeen miisaan-yada xukuumada ...
MUUQAAL:-Korneyl Caare Oo Sheegay In Jabhadiisa Uu Mushaharkii U Bilaabay
- Dec 18, 2018
Korneyl Caare   oo maanta warbaahinta kula Hadley  meel u dhaw magaalada Qardho ayaa waxaa ...
Duqa Muqdisho oo la kulmay Duqa magaalada Geneva iyo duqa magaalada Bristol
- Dec 18, 2018
Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Abdirahman Omar Osman (Eng; Yariisoow) ayaa la ...