Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Akhriso:-Shirkii Golaha Xukuumadda Dawladda Puntland oo looga hadlay arimo xasaasi ah

Shirkii Golaha Xukuumadda Dawladda Puntland oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Looga hadlay arrimaha  Amniga Puntland, Dhibaatada Tahriibta iyo Xeerka Biyaha Puntland.

Amniga Puntland:

Golaha xukuumadda Dawladda Puntland oo Warbixin Ka dhageystay  Wasaaradda Amniga ayaa Sheegay  in Amniga guud heerkiisu  sarreeyo, waxayna Golaha Xukuumada Dawladda Puntand oo dood dheer ka yeeshay arrimaha Amniga ay xuseen in si dhow loola socdo tacadiga iyo caburinta joogtada ah ee loo gaysanayo birimagaydada iyo Waxgaradka Gobalka Sool gaar ahaan Magaalada Laascaanood.

Sidoo kale golahu waxay cadeeyeen in lala socdo qaswadayaasha ka dhanka ah Amniga Puntland  gaar ahaan magaalooyinka waaweyn, waxayna golahu fareen shacabka Puntland in ay lashaqeeyaan laamaha Amniga gaar ahaan xilliyada ciida lagu guda jiro.

Dhibaatada Tahriibta:

Golaha Xukuumada Dawladda Puntland ayaa  Ka dooday aafada joogtada ah ee qul-qulka Tahriibta, iyaga oo ku dheeraaday dhibaatada tahriibta ayaa Sheegay in Leyska kaashado Shacab iyo Dawladba Sidii loo joojin lahaa waxyeelada tahriibta, loona badbaadinlahaa dadka ku dhimanaya baddaha,

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa u saaray guddi heer Wasiiro ah, kana kooban Wasaaraddaha Amniga, Arrimaha Gudaha, Qorshaynta iyo Caafimaadka si ay uga soo talo bixyaan qul-qulka tahriibta.

Xeerka Biyaha Puntland:

Golaha xukuumadda Dawladda Puntland ayaa ka dooday xeerka biyaha Puntland, xeerkaas oo qeexaya ilaalinta iyo dhaqaaleynta keydka khayraadka biyaha, wuxuuna  si gaar ah u xoojinayaa maareynta iyo horumarinta adeega biyaha Puntland.

Ugu- danbayn Golaha Xukuumada Dawladda Puntland  oo dood dheer ka yeeshay xeerkan  ayaa faray in dib-usixid lagu soo sameeyo xeerka Biyaha Puntland.

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

DAAWO SAWIRRO:-Kheyre Oo Xariga Ka Jaray Xabsiga Guud Ee Muqdisho Iyo Maxkamad Casri Ah
- Feb 23, 2019
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Xasan Cali Khayre oo ka qayb galay ...
DHAGEYSO+SAWIRRO:-Xaaf oo mar kale dhaliilay Dowladda Somalia
- Feb 23, 2019
Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Gaalkacyo ...
Maxaad ka ogtahay magaalada qurba-joogta looga soo Duceeyo
- Feb 23, 2019
Waxaan safar ku joogay baryahaan dagmada Garbahaareey ee gobalka Gedo. Maalinti shalay ahayd ...