Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Akhriso:-Wararkii ugu dambeeyay dilal si yaabo kala duwan uga dhacay muqdisho

Warar dheeraad ah ay ka soo baxayaan Dilal habeenkii xalay ahaa ka dhacay qaar kamid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir kuwaasi oo lagu dilay ilaa saddex ruux oo si yaabo kala duwan dilal loogu geeystay gudaha Magaalada Muqdisho.

Xogta ku saabsan dilka  ayaa sheegaya in Dilka koowaad uu ka dhacay Degmada Howl-wadaag, iyadoo halka loo yaqaano Shanta Geed Lagu dilay Nin Magaciisa Lagu soo koobay Jabaloos oo ahaa Guddoomiye Waaxeed ka tirsanaa Degmadaasi, islamarkaana markii la dilayay uu Fadhiyay maqaaxi ku taalo xaafda Shanta Geed, waxaana la sheegay in dilka ay fuliyeen kooxo Bistoolado ku hubeysan, kadib markii ay dilka fuliyeena ay Goobta isaga Baxsadeen.

Sidoo kale xalay Fiidkii waxaa Xaafadda Suuq-boocle ee degmada Dharkeenley lagu dilya nin lagu magacaabi jiray Xasan Cali Ibraahim (Gaadaay) oo ay dadka deegaanku sheegeen inuu ahaa dilaal islamarkaana ka mid ah Ergadii Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ka soo doortay deegaanada koonfur Galbeed, waxaana la tilmaamay in ay dilka u geeysteen Ragg bistoolada ku hubeeysnaa oo toogtay kadib isaga oo ka soo baxay Salaadii Taraawiixda.

Dilka Saddexaad ayaa ka dhacay Degmada Wada-jir, waxaana lagu dilay Sarkaal ka tirsan Ciidamada Dowladda, oo ay kooxo hubeeysan ugu galeen guriisa, islamarkaana ay ka baxsadeen goobta markii ay dilka geeysteen.

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

DAAWO:-Dowladda Somalia oo Damacsan Iney Kalluun Ku Daabusho Diyaaradaha Qaadka Kenya
- Aug 17, 2018
Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Wershadaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane, Maxamed Cabdi Xayir (maareeye) ...
Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Dalka Turkiga
- Aug 17, 2018
Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo howlo shaqo u joogay ...
TOPNEWS:-Ra’iisal wasaare Abiy Axmed oo war ka soo saaray Xiisada Soomaalida iyo Oromada
- Aug 17, 2018
Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed Cali, ayaa ku hanjabay inuu gacan bir ah ...