Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

MUUQAAL:-Madaxweyne Farmaajo “Culumadu waa in ay bulshada u iftiimisaa dhagarta Al Shabaab iyo afkaarahooda gurracan”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo  la kulmay dalladaha ay ku midaysanyihiin culumada Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay culumada diinta in ay dardar geliyaan kaalintooda kaga aaddan dagaalka ka dhanka ah afkaaraha xagjirnimada ah.

Madaxweynaha ayaa sheegay in wadajirka iyo wada-shaqeynta culamadu ay asaas u tahay qorsheyaasha cirib-tirka argagixisada iyo dabar-gooynta fikradaha dib u dhigay dowladnimadeenna, oo ay ka mid yihiin qabyaaladda, musuqmaasuqa iyo caddaalad darrada.

Madaxweynaha ayaa yiri “Argagixisadu waxa ay ka macaashaan khilaafka ka dhex jira bulshada, gaar ahaan wada shaqeyn la’aanta culumada diinta iyo hormuudka bulshada. Sidaas darteed, waa in idinka oo mideysan mar kasta aad u iftiimisaan bulshada in dagaalka aan kula jirno argagixisada uu yahay jihaad waajib nagu wada ah.”

“Shacabka Soomaaliyeed waxa ay hibo u leeyihiin dhaqan sharaf leh oo waafaqsan diinteena suubban ee Islaamka, balse waxaa ku soo duulay kuwo ujeedkoodu yahay in ay tirtiraan cid kasta oo ku abtirsata magaceenna. Culumadu waa in ay bulshada u iftiimisaa dhagarta Al Shabaab iyo afkaarahooda gurracan.”

Dhanka kale, Culumada oo la wadaagay Madaxweynaha aragtidooda iyo talooyinkooda ku aaddan dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab, ayaa bogaadiyey guulaha la taaban karo ee ay ku tallaabsatay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Culumada ayaa sheegay in ay kalsooni ku qabaan dadaallada ay dowladdu ku bixineyso dib-u-habeynta garsoorka, ilaalinta madax-bannaanida dalka, kobcinta dhaqaalaha iyo dib u soo-celinta boqolaalka dhallinyarada ah ee ku dhibaateysan xabsiyada shisheeye.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahad celiyey culamadii ka soo qayb gashay kulankan sida ay u ajiibeen marti qaadkan, isagoona tilmaamay sooyaalka ay culumada Soomaaliyeed ku leeyihiin gobonnimo doonkii dalka iyo dadaallada ay haatan ku bixiyaan wacyigelinta, faafinta cilmiga, xoojinta amniga iyo toosinta dhaqanka bulshada.

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. c/qani says:

    HADALKAANI AAD OOMAQEEXNA. SOOMAALIYA WAA DAD KULIGOOD MUSLIMIIN SUNNI AH.

    FARMAAJO* ISAGA AYAA “MADAXWEYNE AH EE MAXAA UDIIDAY INUU SHACABKA (KITAABKA ALLAAH IYO SUNNADDA RASUULKA SCW KUXUKUMO??

    DALKA NIMAN KIRISTAAN” AH AYAA KUSOO DUULAY!! XOOG MILITARAY AYAYNA KUHAYSTAAN
    IN LAGA XOREEYO DALKANA (FARMAAJOOW) ADIGGA AYAA KAMAS’UUL AH?

    MAXAAD CULIMADAAN” ADIGGA KUGU HOOSNOOL AAD U BAHLDILEEYSAA?? OO AAD OOGU JEES JEESEYSAA???

    MA HOTEELADA AADKABIXISO AYAAD OOGU MANA SHEEGANAYSAA??

    WAXAA ISKA CAD INEY KHALDANTAHAY CIDII ITOOBIYA DHINECEEDA JIRTAA? MIISAANKA (HALBEEGA) WAXLAGUCABIRAAYAANA WAAKAAS OO KALIYA?

    HADABA CIDII UU SHAKIKAGALO *MAAMULADDA SOOMAALIYA KAJIRA YAA WADADA TOOSAN HAYSTA YAASE KALEEXDAY!! ITOOBIYA KUCABIR??
    NIKII ITOOBIYA DHINECEEDA XIGGA AYAA DADKA OOGU SHARBADAN EE ISKA CAYRIYA??

    LAAKIINSE SIFIICAN HALOOBAARO OO YAAN LA DEG DEGIN?? SABABTOO AH ITOOBIYA SOOMAALI GALBEED AYAY NAGA HAYSATAA??

    HADANA 2 LABADII GOBOL OO XORTA AHAA AYAY XOOG KUHAYSATAA??
    *FARMAAJO-NA MABA SOO HADALQAADAAYO ITOOBIYA IYO DHIBAATADA AY SHACABKA SOOMAALIYEED KUHAYSO?

    SOOMAALIWEYNEEY ARRINTAAS SIFIICAN HALOO QAYMEEYO?? DHULKANA ADINA AYAA ISKALEH OO ALLAAH IDINKU ABUURAY EE “FARMAAJO” YUUSAN (AXMAARO) IDIIN SUUXININ??




ad

Latest News

TOPNEWS:-Dowladda Kenya oo Baareysa Siduu Baasa-boorkeeda Ku Helay Fahad Yaasiin
- Aug 21, 2018
Dowladda Kenya ayaa baaraysa siduu Taliye ku-xigeenka Hay’adda Nabadd Sugidda Soomaaliya Fahad Yaasiin uu ...
DAAWO:-Jaaliyada Soomaalida Ogaadeeniya ee Magaalada Edmonton oo Shir Muhiim Ah Yeeshay
- Aug 21, 2018
Jaaliyada Soomaalida Ogaadeeniya ee magaalada Edmonton oo shir muhiim ah isugu timid. Waxaa kulan ...
Akhriso:- Taliyihii Laga Soo Celiyay Magaaladda Kismaayo Oo Xabsiga La dhigay
- Aug 21, 2018
Ciidamada Nabadsugida Gobolka Banaadir ayaa xabsiga u taxaabay nin sheegtay inuu yahay Taliyaha NISA ...