Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Akhriso:-Somaliland Oo Aqbashay Dedaalka Nabadeed Ee Qaramada Midoobay Iyo Wadamada IGAD Arinta Tukaraq

Somaliland ayaa la sheegay inay ogolaatay dedaal ay dalalka IGAD iyo Qaramada Midoobay ku doonayaan in xabad joojin la dhex dhigo ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland ee ku dagaalamay Tuko-raq, laakiin maamul goboleedka Puntland ayaa diiday qorshahaas.

Sida ay Geeska Afrika u sheegeen ilo xogogaal ahi  Somaliland waxa ay aqbashay qorshahaas Qaramada Midoobay iyo IGAD oo ah in marka koowaad la sameeyo xabad joojin rasmi ah islamarkaana la bilaabo in la wada hadlo.

Hase yeeshee Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa qorshahaas diiday islamarkaana shuruud ku xidhay.

Warku wuxuu sheegay in Mr. Gaas uu shuruud ka dhigay in Somaliland ay ciidamadeeda kala baxdo deegaanka Tuko-raq, ka dibna la bilaabo xabad joojin iyo wada hadal.

Talaabadan Puntland, ayaa warku wuxuu sheegay in beesha caalamka uu ku noqday caqabad islamarkaana ay la yaabeen shuruudaas uu Cabdiweli Gaas ku xidhay xabad joojinta, waxaanu warku sheegay in la filayo in Qaramada Midoobay iyo wadamada IGAD ay go’aan ka gaadhaan diidmada Puntland.

Somaliland ayay ku ammaaneen Qaramada Midoobay iyo wadamada IGAD sida ay u aqbashay soo jeedintooda nabadeed.

Dalalka IGAD ee qaramada midoobay ka caawinaya nabad ku soo dabaalista deegaanka tuko-raq ee gobalka sool, waxa u horaysa dawladda Itoobiya.

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

DHAGEYSO:-DHAGEYSO+SAWIRRO:-Dood Qaran Xiriirka iyo Wadashaqeynta Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada
- Oct 19, 2018
Madasha Talo-Wadaag ayaa Dood qaran oo ku saabsan xiriirka iyo wadashaqeynta Dowladda Federaalka iyo ...
DHAGEYSO:-Qaar ka mid ah Culimada Soomaaliyeed oo ka Soo Horjeestay Xeerka Jinsiga Ee Wasaaradda Haweenka ay Golaha Wasiirada Horgeysay
- Oct 19, 2018
Qaar ka mid ah Culimada Soomaaliyeed oo warbaahinta kula hadlay muqdisho ayaa  ka Soo ...
DHAGEYSO:-Madaxweyne Farmaajo oo baaq culus u jeediyay Wasiiradda xukuumadda RW Khayre
- Oct 19, 2018
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo guddoomiyay shirka toddobaadlaha ah ee ...