Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo la kulmay Taliyaha Howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya

Kulankan oo ka dhacay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ee Muqdisho ayaa dhex marey Wasiirka cusub ee Wasaaraddaasi Mudane Xasan Cali Maxamed “Amar Dambe iyo BG Pietro Addis oo ah taliyaha xafiiska howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya gaar ahaan qeybta tababarada.

Saraakiisha Midowga Yurub ayaa ugu horeyn ugu hambalyeeyey Wasiirka cusub ee Gaashaandhigga xilka loo magacaabay,iyagoo balanqaaday in ay si dhab ah ula shaqeyn doonaan.

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa kala hadlay dardargelinta taageerada ay siinayaan ciidanka Xoogga Dalka sida,tababarada,qalabeynta iyo talooyin ku aadan arrimaha ciidamada.

BG Pietro Addis oo ah taliyaha xafiiska howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa ammaanay dib u habaynta lagu sameeyey hoggaanada ciidanka Xooga Dalka,wuxuuna u xaqiijiyay Wasiirka in ay ka soo bixi doonaan kaalintooda ku aadan garab istaaga ciidamada.

Tan iyo sanadkii 2010 ayaa midowga Yurub waxaa ay dardargelinayeen taageerada ay siinayaan ciidanka Xooga Dalka,dhinacyada tababarada ciidanka,si ay u gutaan waajibaadka Qaran ee horyaala.

 

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

DHAGEYSO:-DHAGEYSO+SAWIRRO:-Dood Qaran Xiriirka iyo Wadashaqeynta Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada
- Oct 19, 2018
Madasha Talo-Wadaag ayaa Dood qaran oo ku saabsan xiriirka iyo wadashaqeynta Dowladda Federaalka iyo ...
DHAGEYSO:-Qaar ka mid ah Culimada Soomaaliyeed oo ka Soo Horjeestay Xeerka Jinsiga Ee Wasaaradda Haweenka ay Golaha Wasiirada Horgeysay
- Oct 19, 2018
Qaar ka mid ah Culimada Soomaaliyeed oo warbaahinta kula hadlay muqdisho ayaa  ka Soo ...
DHAGEYSO:-Madaxweyne Farmaajo oo baaq culus u jeediyay Wasiiradda xukuumadda RW Khayre
- Oct 19, 2018
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo guddoomiyay shirka toddobaadlaha ah ee ...