Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

DAAWO SAWIRRO:-Wasiirka Amniga Somalia oo Saxiixay Heshiis dib loogu dhisayo Ciidanka Booliska Soomaaliyeed

Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Abuuker Ducaale Islow ayaa Heshiis dib loogu dhisayo Ciidanka Booliska Soomaaliya Heer Federalka iyo Heer Dowlad Goboleed la saxiixday Peter De Clercq oo ah ku-xigeenka Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u Qaabilsan arrimaha Soomaaliya ahna Isku-Duwaha Hawlaha Gargaarka Aadaminimo ee Soomaaliya.

Heshiiskaan oo ay ku baxayso In ka badan 40 Milyan oo Dollar ayaa waxa bixinaya Midowga Yurub , Ingiriiska iyo Dowlada Jarmalka oo ka mid ah Dalalka Midowga Yurub laakiin si gaara u taageerta Ciidanka Booliska Soomaaliya.

Munaasabada Heshiiska lagu saxiixayay waxaa goobjoog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko, Masuuliyiin ka kala socday Dowlad Federaalka iyo Dowlad Gobaleedyada iyo Xubno ka socday Beesha Caalamka.

Dowlada Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta sidii dib u dhis xoogan loogu sameyn lahaa qeybaha kala duwan ee ciidamada dalka, oo Habeen iyo Maalin naftooda u huray Shacabka, iyadoo Dowladaha saaxiibka dhow la ah ay balanqaadeen inay kaalin muuqata ka qaadan doonaan sidii loosoo celin lahaa Awoodii ay lahaayeen Ciidanka Qaranka Soomaaliya.

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

DHAGEYSO:-Xildhibaan Xasan Cabdi “Qofka Aan Waajibkiisa Gudan Waa Lala Xisaabtamayaa”
- Dec 13, 2018
Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil oo ka mid ah mudanayaasha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ...
DHAGEYSO:-Somaliland oo ka jawaabatay war ka soo yeedhay wasiirka kaluumaysiga Somalia
- Dec 13, 2018
Wasiirka Xannaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga Maamulka Somaliland Xasan Gaafaadhi, ayaa sheegay in aanu khusayn ...
DHAGEYSO:-Ambassador C/salaan Xaaji “Madaxweyne Farmaajo Ha Dejiyo Xaaladda Siyaasadeed”
- Dec 13, 2018
Ambassador C/salaan Xaaji ayaa ka hadlay mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya ...