Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

MUUQAAL:-Ra’iisul Wasaare Khayre oo Kormeeray Wasaaradaha Maaliyadda iyo Warfaafinta

Ra’iisul wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta kormeer howleed ku tegay wasaaradaha Maaliyadda iyo Warfaafinta si uu ugu kuur galo habsami u socodka howlaha ballaaran ee wasaaraduhu u hayaan Qaranka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa ku hor-maray Xarunta wasaaradda maaliyadda waxuuna kula kulmay wasiir Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo uga warbixiyay horumarka ballaaran ee dhanka maaliyadda laga gaaray iyo meesha ay marayaan arimah Cafinta Deymaha oo maraya jiro wajigii ugu danbeeyay (SMP3).

Ra’iisul Wasaaraha ayaa intaa kadib booqday wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska halkaas oo ay kusoo dhaweeyeen wasiirka wasaaradda, Amb. Daahir Maxamuud Geelle, wasiir ku xigeenka, agaasimaha guud iyo agaasimayaasha waaxyaha.

R’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa soo indha-indheeyay Raadiyow Muqdisho iyo Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed (SNTV), waxuuna warbixinno ka dhageystay agaasimayaasha raadiyaha iyo TV-ga oo uga warbixiyay sida howluhu u socdaan, intaas kadib Ra’iisul wasaaraha iyo wasiirka warfaafinta ayaa qaatay kulan gaar ah oo wasiirku uga warbixinayay wixii u qabsoomay tan iyo markii uu dhawaan la wareegay wasaaradda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa wasiirada faray in ay laba jibbaaraan dadaallada si loo xaqiijiyo hadafka guud ee ah Soomaaliya oo mar labaad cagaheeda isku taagto, looguna gudbo horumar iyo barwaaqo.

R’iisul Wasaaraha ayaa sidaas oo kale kormeer ku tegay xarunta Gobalka Banaadir, isaga oo kulan la qaatay gudoomiyaha, kuxigeennadiisa iyo Xog-hayaha guud, oo uga warbixiyay horumaradii ugu danbeeyay ee gobalku ku tillaabsaday.

Kormeerka ayaa qeyb ka ahaa howlaha kor-joogteyna ee R’iisul wasaaruhu kula socdo shaqooyinka wasiirradda xukuumadda iyo hey’adaha kale ee dawladda, isla xisaabtanka iyo daah-furnaanta, si mar waliba loola socdo hadba horumarrada la gaaray iyo dar-dar gelinta howlaha hor-tebinta leh ee wasaaradaha u yaalla.

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

DHAGEYSO:-Taliska maraykanka ee Afrika oo sheegay iney duqeyn ku dileen 62-maleeshiyo oo ka tirsan Al-Shabaab
- Dec 17, 2018
Taliska Mareynkanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa sheegay in duqeyn ay ka fuliyeen 16-kii bishan ...
MUUQAAL:-C/raxmaan C/shakuur “Waxaa la is hor-taagay baroor diiqdii Xisbiga Wadajir ku xusi lahaa dadkii lagu laayay weerarkii 17 December”
- Dec 17, 2018
Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa ka hadlay tallaabadii maanta Ciidamada ammaanka ay ku hor-istaageen in ...
DHAGEYSO:-Gudoomiye Faysal Cali Waraabe Oo Ka War Bixiyey Kulankii Ay La Yeesheen Madaxweyne Muuse Biixi
- Dec 17, 2018
Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa waxaa uu ka ...