Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

DAAWO SAWIRRO:-Duqa Muqdisho oo amray in la burburiyo dhismaha Piazza Libera ee Ceelgaab

 Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa maanta amray in la burburiyo dhismaha Piazza Libera ee Ceelgaabta bacdamaa goobtaas ay tahay mid dan guud si loogu soo celiyo sideedii hore.

Duqa Muqdisho ayaa kal hore hakiyey dhismaha goobtan ka dibna u direy baaris rasmi ah. Iyadoo la fulinayo awaamiirta Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayuu Duqa Muqdisho maanta bixiyey amarkan burburinta.

Guddoomiye Eng. Yarisow ayaa yiri “Markaan xilka qabtay ayaan hakinay dhismahan, ka dib baaris dheer waxaa soo baxday inaan si sharciga waafaqsan loo bixin dhulkaas, uuna ahaa yahayna weli mid dan guud. Sidoo kale markii aan la tashiyo la sameeyey Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha waxaan ku go’aaminey inaan dhulalka dawladda la bixin karin iyadoon loo marin nidaamka sharciga ah.”

Eng. Yarisow ayaa sidoo kale u diray digniin dhammaan dadka degan dhulalkii danta guud sida Jardiinooyinkii iyo xarumaha dawladda inay sida ugu dhaqsiyaha badan u banneeyaan, ciddii awaamiirtan diidana sida tan oo kala loo burburin doono goob walba oo dhise sharci darro ah laga sameeyo.

Eng. Yarisow ayaa ugu danbeyntii sheegey inuu doonayo in Caasimadda lagu soo celiyo sidii ay ahaan jirtey berisamaadkii oo goobihii jardiinooyinka iyo xarumaha bila bilicda magaalada dib loo dhiso, si bushada uga wada faa’iideysato.

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

MUUQAAL: Madaxdii dhaqanka ee Waday Shirka Beesha Garxajis oo Xabsiga La dhigay iyo Buubaa oo ka hadlay
- Jun 21, 2018
Qaar kamid ah Madaxda dhaqanka ee Qaban qaabinayey Shirka Beesha Garxajis ee lagu wado ...
Muuqaal: DF Somalia oo soo saartay go’aan ka dhan ah maamulka Somaliland
- Jun 21, 2018
Dowladda Soomaaliya ayaa ka soo horjeesatay in barnaamijka hiigsiga cusub ee (New Deal) si ...
DHAGEYSO:-Madaxweyne, Isimo iyo Siyaasiyiin Miisaan Kuleh Somaliland oo Garoowe Gaarey Kuna Dhawaaqay War Culus(Video)
- Jun 20, 2018
Siyaasi Mustafe Martiini oo horay u shaaciyey inuu yahay Madaxweynaha Somaliland, Siyaasiin, Qurbo joog ...