Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Akhriso:-Golaha wasiirada puntland oo si adag uga hadlay duulaanka uu Maamulka Hargeysa kusoo qaaday Deegaamada Puntland

Shirkii Golaha Xukuumadda Dawladda Puntland oo shir-guddoominayey Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa waxaa looga hadlay Duulaanka uu Maamulka Hargeysa kusoo qaaday deegaamada Puntland iyo Hannaanka Cadaaladda Dawladda Federaalka Soomaaliya.

Duulaanka uu Maamulka Hargeysa kusoo qaaday Deegaamada Puntland:

Golaha xukuumadda Dawladda Puntland ayaa ku dheeraaday duulaanka lagu soo qaaday Puntland iyo caburinta iyo xariga joogtada ah ee lagu hayo shacabka degmada Laasnaacood, sidoo kale waxay goluhu u sheegeen guud ahaan  shacabweynaha Puntland  in duulaan lagu hayo dalkooda iyo jiritaan-kooda loona baahan yahay inay garab istaagaan Dawladdooda iyo ciidamadooda u taagan difaaca dhulkooda.

Sidoo kale goluhu wuxuu caddeeyay  duulaanka lagu soo qaaday Puntland inaan laga faa’iidi-doonin, isla’ markaana Puntland ay soo celin-doonto dhammaan deegaamada ka maqan, wuxuuna goluhu ku celiyay dhibaatada loo geystey shacabka Laascaanood in  uu mas’uuliyadeeda qaadi-doono Maamulka Hargeysa.

Hannaanka Cadaaladda Dawladda Federaalka Soomaaliya:

Golaha xukuumadda Dawladda Puntland ayaa  sheegay in loo baahan yahay hannaan garsoor  oo  Federaal ah oo abuuraya heerar maxkamado kala qeexaya  awoodaha federaalka iyo mida  Maamulada dalka ka jira, isla’ markaana ka madax-bannaan hay’addaha fulinta dalka, waxayna wasaaradda cadaaladdu u qeybisay golaha xukuumadda  qabyo qoraal  ay goluhu ka doodi—doonaan todobaadka ka dambe.

—DHAMMAAD–

Xafiiska Warfaafinta, Wacyi-Gelinta Iyo Hiddaha Iyo Dhaqanke Ee Madaxtooyada Puntland

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

DAAWO:-Carwada Isgaarsiinta & Teknolojiyada oo la soo gabagabeeyay
- Oct 18, 2018
Carwadii ugu horreysay ee Isgaarsiinta & Teknolojiyada ayaa shalay gelinkii dambe lagu soo gabagabeeyay ...
DAAWO:-Duqa Muqdisho oo Daah furay dib u dhiska Warta Tunbuluq ee Degmada X/Weyne
- Oct 18, 2018
Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa daah ...
Akhriso:-Shirka Golaha Xukuumadda Dawladda Puntland oo Looga Hadlay Arrimaha Amniga, ansixin xeerar iyo Soo dhaweynta Guddiga Iskaashiga Dowladdaha xubnaha ka ah DFS
- Oct 18, 2018
Shirka Golaha Xukuumadda dawladda Puntland ayaa todobaadkan looga hadlay arrimaha Amniga dalka, Soo dhaweynta ...