Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

TOPNEWS:-Beesha caalamka oo War kasoo saartay Dagaalka Puntland iyo Soomaliland

Saaxiibada Soomaaliya ee Beesha caalamka ayaa waxa ay sheegeen in ay aad uga walaacsan yihiin isku-dhacyada hubaysan ee ugu dambeeyay ee shalay ka dhacay agagaarka deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool una dhexeeya Puntland iyo Somaliland, waxayna ku baaqeen xabbad-joojin deg deg ah.

Dagaal culus ayaa aroortii shalay subax ka dhex qarxay ciidamada Puntland iyo Somaliland, waxaana dagaalkaas uu geystay khasaare kala duwan oo dhinacyada soo kala gaaray.

Saaxiibada Caalamku ayaa waxa ay labada dhinac ugu baaqeen  inay si dhakhso ah u hakiyaan dagaalka, oo ay billaabaan wada hadal dhex-mara taliyeyaasha ciidamada goobta ku sugan, xaqiijiyaana gaarsiinta gargaarka baniaadanimo ee loo wado dadka barakacay, ayna ka wada-hadlaan kala-qaadista ciidamada iyo is-weydaarashada maxaabiista askarta ah ee la kala qabsaday.

Waxay kaloo tilmaameen in shaqaaqadu ay dhacayso iyadoo bartanka looga jiro xaalad bani’aadanimo oo adag oo sii cakirisay saamaynta duufaanta roobabka dabaylaha wata ee Sagar, iyaga oo intaas ku daray in dagaalka uu uga sii darayo dhibaatada heysata dadka ku nool deegaanka.

Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub, Urur-Goboleedka IGAD, Dowladaha Belgium, Denmark, Itoobiya, Finland, Jarmalka, Ireland, Talyaaniga, Netherlands, Norway, Sweden, Turkey, Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska iyo Maraykanka ayaa ugu dambeyn ku baaqay dhammaan dhinacyada inay dhowraan nabadda.

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. c/qani says:

    DAD WALAALLO AH ISXAQDHOOWRIWAAYAY”

    IN MAANTA DALAL SHISHEEYE, AY BAAQYO” U SOODIRAAN WAAWAX AAD LOOLAYAABO??

    MAXAA HADA LAGA FAA’IIDAY DHIMASHADII IYO DHAAWICII (TUKERAQ??

    REER HARGAYSA IYO REER GAROOWE. MAGAALOOYINKOODII HAKUNOQDAAN? SOOL” IYO CAYN” IYO SANAAG-NA WAXBA OOGAMA BAAHNEE” FARAHA HAKALA BAXAAN?

    HADIIKALEETO (SOOL IYO SANAAG IYO CAYN)
    KALIYA DHIBAATADU KU’EKAANMAYSO!! EE *HARGAYSA IYO GAROOWE* DHIBKU WAATAABANDOONAA??

    GOBOL WUXUU GOBOLKALE OOGU DUULAA” AMA UU U YIRAAHDAA WAAN XOREEYNAAYAA!! WAA WAX LAGASHALAAYIDOONO??

    SOOMAALIWEYN HARGAYSA IYO GAROOWE GARDARADOODA IYO KIBIRKOODA WAYKAJAWAABIDOONTAA? WALIBA JAWAAB WAAFI AH? INSHAA ALLAAH.




ad

Latest News

DAAWO SAWIRRO:-Ra’iisul Wasaare Khayre oo Oslo Kula Kulmay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay
- Jun 19, 2018
Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa magaalada Oslo ee dalka ...
MUUQAAL:-Cabdi Ibraahim Warsame Qowdhan”Hadii aan sool laga saarin somaliland nugaal ayay imaan doonaan”
- Jun 19, 2018
Wasiir ku xigeenkii hore ee Wasaaradda Maaliyada Puntland DR. Cabdi Ibraahim Warsame (Qowdhan) oo ...
MUUQAAL:-Faysal Cali Waraabe oo Booqday Haweenay Lagu soo dhaawacay Garoowe & Fariin cusub uu diray
- Jun 19, 2018
https://youtu.be/WC57xSkN1hA