Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

DAAWO SAWIRRO:-Xog-hayihii Hore ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo kulan Sagootin ah loo Sameeyay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo weheliyaan Qaar ka mid ah Gollaha Wasiirradda iyo dhammaan Shaqaallaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa caawa ka qeyb galay munaasabad Afur ah oo lagu sagootinayay xog-hayihii Joogtada ee Xafiiska R/W Maxamed Kaynan oo shaqada ka tegay, sidoo kalena waxaa lagu soo dhaweyay xog-hayaha cusub ee loo magacaabay xilkaas Axmed-nuur Cabdi.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo khudbad ka jeediyay xafladda ayaa ku amaanay Maxamed Kaynaan sidii mas’uuliyadda lahayd ee uu u waday shaqada, isagoona ku sifeeyay in uu yahay mas’uul shaqo badan, deggan, go’aan qaadasho wanaagsan leh, jecelna horumarka dalkiisa, waxbadana ka qabtay isbedelka horumarineed ee xafiiska mudadii uu shaqada joogay.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa soo dhaweeyay xog-haya cusub ee maanta xilka la wareegay, waxuuna kula dardaarmay in uu shaqada kasii wado meesha uu uga tegay xog-hayihii hore, si loo wada gaaro hadafka guud ee dowladda, shacabkana loo gaarsiiyo adeegyadda ay u baahan yihiin.

Ugu dambayntii Ra’iisul Wasaarha Soomaaliya ayaa Shahaado Sharaf guddoonsiiyay Maxamed Kaynaan, taas oo uu ku muteestay shaqadii wanaagsaneyd ee uu qabtay intii uu ahaa xog-hayaha xafiiska. Wuxuuna ku dhiiri galiyay in uu ugu faa’iideeyo aqoonta iyo waayo aragmida uu leeyahay dalkiisa.

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

DHAGEYSO:-Dowladda kenya oo dad badan u xidhay weerarkii hoteelka Nairobi
- Jan 18, 2019
Laamaha amniga ee dalka Kenya ayaa sheegay in 9 ruux ay usoo xireen tuhun ...
Xiisad Ka Taagan Degaan Hoostaga Gobolka Sh/Dhexe
- Jan 18, 2019
Sida ay ku waramayaa illo degaanka ah, waxaa degaanka Ceel-baraf oo hoos-taga degmada Mahadaay ...
Halgamaa Muuro; Halyey Qaran oo naga baxay
- Jan 18, 2019
Innaa Lillaahi Wa’inaa Ilaah Rajicuun Geeridu waa xaq. Waxaa Umadda Soomaaliyeed  ka baxay dhawaanna ...