Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

MUUQAAL-Shirkii Wada Tashiga Ee Dawladdaha Xubnaha ka ah DFS ee Baydhabo Ka Socdey oo la soo xidhay

Madaxweymha Dowladda Puntland oo Soo Xirey Shirkii Wada Tashiga Ee Dawladdaha Xubnaha ka ah DFS ee Baydhabo Ka Socdey.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Madaxweynayaasha Dawladdaha xubnaha ka ah DFS ee shirku uga socday magaalada Baydhabo ayaa maanta 16 May 2018 kasoo saaray shirkaasi War-murtiyeed, kadib muddo Sadex cisho ah oo uu shirkaasi socdey.

Shirkii labaad ee Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada oo lagu qabtey Magaalo Madaxda Ku meelgaarka ee Dowladda Koonfur Galbeed ee Baydhabo ayaa waxaa ka soo qayb galay dhaman xubnaha hogaamiyeyaasha Golaha- Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ahna Gudommiyaha Golaha, Madaxweynaha Hirshabelle Mudane Maxamed Cabdi waare ahna Gudoomiye kuxigeenka Golaha, Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islan, Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Ducaalle Geelle iyo iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo martigaliyey shirka mudane Sharif Xassan Sh Adan.

Shirka oo socdey intii u dhaxaysay 13-16 waxaa ka soo qayb galey madax kale oo kor u dhaafayey ilaa 100 ergey oo ay kamid ahaayeen Gudoomiyeyaasha Baarlamaanada, xildhibaano iyo Wasiiro kala matalayey Dowladdaha  xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliaya ee ku bahoobey Golaha Iskaashiga.

Mudadii sadexda bari ahayd ee shirku socday waxay madaxdu wadatashi ka yeesheen arrimo badan oo diirada lagu saarayey amniga, siyaasada iyo xaaladaha bani’aadanimo ee dalka, waxaana gaba gabadii shirk ka soo baxay War-Murtiyyedkan:

  1. ARRIMHA AMNIGA

Kadib markii qiimayn, falaqayn iyo wada tashi dheer laga yeeshay arrimaha amniga ee Dowladdaha  xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliaya iyo dadaalada ku aadan sugida Amniga ee dalka:

– 1.1 Wuxuu Goluhu si guud u soo dhaweeyey Qorshaha Amniga ku meel gaarka ah, kaasoo loo arkey inuu noqon karo qorshe ugu danbeynta horseedi kara in Soomaalidu amnigeeda la wareegto haddii la fuliyo. Sidaas darteed Goluhu wuxuu ku adkeynayaa dhamaan matalayaasha in ay si wada jir uga wada qayb qaataan fulinta qorshahan iyadoo diirada lasaarayo arrimaha hortabinta leh sida xoreynta deegaamada wali gacanta aragagxisada ku jira iyo furidda wadooyinka.

1.2 Goluhu wuxuu walaac ka muujiyey dagaalka ka soo cusboonaadey tukoraq oo ka mid ah deegamada Dowladda  Puntland, oo May 15-keedii ciidamada Soomaliland weerer ku soo qaadeen waxaana Goluhu ku baaqayaa in si degdega dagaalkaas loo joojiyo.

1.3 Goluhu wuxuu dhaliilay horumarka laga sameeyey ilaa hada fulinta Qorshaha Amniga Qaranka ee horey la isugu racaay, sidaas darteed Goluhu wuxuu ku baqayaa in la dadajiyo fulinta dhamaan qodabada uu ka koobanyahay qorshaha amniga qaranka si loo xaqiijiyo in dalka laga xoreeyo argagaxisada.

1.4 Sidoo kale Goluhu wuxuu niyad jab ka muujiyey in ilaa iyo hada Dowlada dhexe aysan wax tilaabo ah ka qaadin balan qaadkeedii ku xusnaa qodobka 1.2 ee heshiiskii Golaha Amniga qaranka ee la gaarey 10 bishii Febraayo 2018 kaas oo sheegayey ‘’Dowladda federaalku waxay ka caawinaysaa Ciidamada Booliska Dowladdaha  xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliaya oo ay kujiraan daraawishta (Hub, Saanad, Agab Ciidan, Raashin, Dawo, Gunn Tababar iyo Tayayn), ee kala qeyb qaadan doona Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) hawlgalada ciidan ee lagula dagaalamayo argagixisada’’. Sidaas darteed wuxuu Goluhu si adag ugu baaqayaa Dowlada dhexe in ay ka dhabeyso balanqaadkeedii ku aadanaa GOLAHA ISKAASHIGA DOWLAD GOBOLEEDYADA -GIDG- 2 taakulaynta ciidamada Dowlad Goboleedyada gaar ahaan in la dardergaliyo qaybinta agabka ciidan ee hada yaaala, si hawlgalada ciidan ee xoreynta dalka loogu isticmaalo.

1.5 Goluhu waxuu isla qirey islamrkaana taariikhdu muujinaysaa in ciidamda Dowladdaha  xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliaya ay yahiin kuwa ugu haboon marka ay timaado la dagaalanka xoogaga nabad diidka, waxaase cad in dowlada dhexe ka caga jiidayso garwaaqsiga doorkaas shariifka. Sidaas darteed Goluhu waxuu ugu baaqayaa Dowlada dhexe iyo Beesha caalamka in ciidamada Dowladdaha  xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliaya laga taageero arrimaha agabka ciidanka, hubka, rasaasta iyo tabarada sidii horey la isugu raacay iyadoo gabagabo hada marayso tirinta iyo hubinta lagu qiimaynayo heerka diyaar garowgooda hawlgaleed.

1.6 Ka sakow in ay jiraan dadaalo, qorsheyaal iyo maal galino mug leh oo ku aadan arrimaha amniga, hadana waxaa jira caqabado amni daro oo sii kordhaya taas oo loo tirinayo in ay ugu wacantahay in aysan jirin isku tashi dhab ah oo Soomaaliyeed oo loo dhanayhay, midaas oo la’aanteed ay adkaaneyso in Soomaalidu amnigeeda gacanteeda dib ugu soo ceshato. Sidaas darteed Goluhu waxuu ku baaqayaa in la abuuro qorshe hawl fulineed oo dhab ah iyo dadkii fulin lahaa oo loo dhanyahay.

  1. ARRIMA SIYAASADA

Mudadii shirku socday, madaxdu waxay si qoto dheer uga wada hadleen arrimaha siyaasadaha si guud iyo si gaar ahaaneed kuwa khuseeya Dowladdaha  xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliaya.

2.1 Goluhu wuxuu dhameystiray qaab dhismeedkii Golaha iyadoo Wasaaradaha Dowladdaha  xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliaya intii islehba oo isku shaqo ah (by discipline) loo sameeyey gudi hoosaadyo shaqo (Inter-ministerial Working Groups) taas oo wax weyn ka tari doonta xiriirka, wadashaqeynta iyo iskaashiga wasaaradaha heer dowlad goboleed.

2.2 Goluhu waxuu soo dhaweyey horumarka laga gaarey arrimaha siyaasada iyo go’aanka isku dhafida Baarlamaanka dowlad Goboleedka Galmudug oo door weyn ka qaadanaya xasiloonida iyo nabadda dalka iyo tan Galmudug si gaar ahaaneed. Waxaa kale oo Goluhu ku dhiiri galinayaa Maamulka Galmudug in ay dhameystiraan arrimaha wali qabyada ka ah wada hadalada waxayna mudanyihiin in beesha caalamka iyo deeq bixiyeyaashu gacan taagero ka gaystaan dadaalka nabadeed iyo maamul dhisid ee uu hogaaminayo Madaxweynaha Galmudug.

2.3 Sidoo kale waxuu Goluhu soo dhaweeyey geeddi socodka wada xajoodka arrimaha Federalaynta ee u dhaxeeya labada heer dowladeed oo laga sameeyey hurumar wax ku ool ah sida habka doorashada iyo khayraad qaybsiga.

2.4 Sida uu qabo qodobka 53aad ee dastuurka, Dowlada Federalka waa in ay kala tashato Dowladdaha  xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliaya arrimha saameynta ku yeelan kara danaha dadka Dowlad Goboleedyada si looga fogaado khilaaf siyasadeed, waana in go’aanada la qaadanayana ay noqdaan kuwo ku salaysan danta dadka iyo dalka. 2.5 Iyadoo laga duulayo nooca dowladnimo ee dadka soomaaliyeed doorteen oo ah habka Federal, Goluhu wuxuu isla qiray in masuuliyada kowaad ee xal u helida dhibaatooyinka dhaqaale, amni, ganacsi iyo bulsho ee dadka Dowlad Goboleedyada haysta ama soo food saara, uu waajib ka saaranyahay hogaamiyeyaashooda, sidaas darteed Goluhu wuxuu soo dhaweynaysaa cid kasta oo gacan tageero ka gaysan karta bahiyahooda.

2.6 Goluhu wuxuu walaac ka muujiyey xiriirka sii xumaanaya ee u dhaxeeya Dowlada Federalka Soomaaliya iyo wadamada isu taga Emarat-ka Carabta iyo Boqortooyada Sacuudiga taas oo loo arko in dowladu dhinac la jirto, wayna cadahay in hadii uu khilaafkani sii socdo saameyn ku yeelan doonto 3 xiriirka soo jireenka ah ee ganacsi, deegaan, dhaqaale iyo maaliyadeed ee sadexda dal iyo sadexda shacab wadaagaan. Sidaas darteed, Goluhu wuxuu ugu baaqayaa dowlada Federalka in ay ka shaqeyso dhankeeda hagaajinta xiriirka iyadoo la tixgalinayo danaha dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

2.7 Waxaa jira dhaqaale badan oo ku aadan kabida miisaaniyada dalka oo dowlada dhexe ka hesho dalal iyo hay’ado kale ee deeq bixiyeyaal ah, mid marta xisaabta dhexe ee Dowlada dhexe ama ha noqoto mid aan soo marin, waxaase dhacda in dhaqaalahaas aysan waxba ka soo gaarin Dowladdaha  xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliaya, sidaas darteed Goluhu wuxuu ku dhiiri galinyaa dalalkaas iyo hay’adahaas in ay sameeyaan qoondeyn ku salaysan labada heer dowladeed si loo xaqiijiyo midnimada iyo isku haynta dalka.

2.8 Goluhu wuxuu garowsaday ka maqanaashaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee shirka daah furka dib u eegista dastuurka ee ka socda magaalada Muqdisho, islamarkaana waxaa lagu qancay in ka maqnaashahoodu ku yimid cabasho dhab ah oo aan si hore loo xalinin, sidaas darteed Wasaarada Dastuurka Federalka waxaa lagu adkeynayaa in ay wada hadal dhab ah kala yeelato Jubbaland tabashadooda si xal waara looga gaaro ismariwaaga jira oo caqab ku noqon kara geedi socodka dib u eegista dastuurka.

2.9 Waxaa jira in aan wali la hawl galinin xubnihii dowlad goboleedyadu u soo kala magacaabeen Gudiga Madaxa banaan ee dib u eegista dastuurka iyo Gudiga Baarlamaanka ee la socodka iyo korjoogteynta dib u eegista dastuurka. Sidaas darteed Goluhu waxuu si adag ugu wargalinyaa Wasaarada Dastuurka ee Dowlada federalka in aysan Gudiyada dastuurku bilaabin wax shaqo ah oo aysan kamid ahayn Xubnaha Dowlad Goboleedyada.

2.10 Goluhu wuxuu walaac ka muujiyey fara galinta mar walba lagu hayo hanaanka siyaasadeed ee Dowlad Goboleedyada taas oo keeni karta amni daro baahda, sidaas darteed Goluhu ku baaqayaa in si deg deg ah loo joojiyo faragalintaas islamarkaana xooga la saaro la dagaalanka aragagaxisada iyo dib u dhiska wadanka.

  1. XAALADAHA BANI’AADANIMO

3.1 Daadad ka dhashey fataahadaha wabiyada Jubba iyo Shabelle oo ay weheliyaan roobab lixaad leh oo si isdaba joog ah uga da’ayey deegamada ku dherersan labad wabi ilaa iyo bartamihii bishii April ayaa khasaare naf iyo maalba leh u geystey deegaamo badan oo dalka kamid ah, sidaas darteed Goluhu wuxuu ugu Baaqayaan Xukuumada Federalka Soomaaliyeed, Ganacsatada, Soomaaliyeed, Qurba Joogta Soomaaliyeed, Culuma’udiinka Soomaaliyeed, Hay’adaha Samafalka, Qaramada midoobay iyo Deeq Bixiyaasha in ay gurmad degdeg ah oo bani’aadanimo lala gaaro dadka ku nool Dowlad Goboleedka Hirshabelle, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed.

  1. GOBA GOBO IYO MAHAD CELIN

4.1 Goluhu wuxuu Madaxweynaha iyo shacabk reer Koonfur Galbeed uga mahad celinayaan soo dhaweynta, marti galinta iyo sugida amaanka oo ciidank Koonfur Galbeed iyo kuwa Amisom si wada jir ah isaga kaashadeen. 4.2 Goluhu wuxuu mahad naq iyo boogaadin aan la soo koobi karin u soo jeedinyaa Wadamada walaalaheen ah ee ciidamada Soomaaliya ugu deeqay ee AMISOM, kuwaas oo la’aantood aysan suuro gal noqteen in horumar la taaban karo laga gaaro arrimaha amniga. 4.3 Sidoo kale Goluhu wuxuu u mahad celin u dirayaa Beesha caalamka, deeq bixiyeyaas AU, UN, EU, Arab League, UK, USA iyo cid kasta oo gancan ka geysata taakulaynta dadka iyo dalka Soomaaliy.

Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa sheegay in War-murtiyeedka kasoo baxay shirkani uu yahay mid ka turjumaya fikirka iyo aragtida mawqifka, masuuliyadda iyo masiirka ummadda Soomaliyeed ka saaran Madaxdooda.

Ugu danbayn, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xusay inuu rajaynaayo in War-murtiyeedka kasoo baxay shirka Baydhabo uu ahaado mid ummadda Soomaaliyeed ka farxiya, muujiya masuuliyad, muujiya ka damqasho laga damqanayo xaaladda dalku kusugan yahay, waxaana uu shacabka iyo maamulka Koonfur Galbeed uga mahadnaqayaa marti qaadka shirkaasi qaran ee lagaga arrinsanayey xaaladda Soomaaliya.

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

MUUQAAL:-Cagalule oo garoowe kaga dhawaaqay in uu ka qayb geleyo Dagaalka Tukaraq
- May 21, 2018
Madaxweyne ku xigeenkii Khaatumo Cabdalle Maxamuud Cali(Cagalule) oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Garowe ayaa ...
Khayre oo booqday dadka laga soo badbaadiyay Xaafadaha ay saameeyeen daadadkii ka dhashay Roobabka
- May 21, 2018
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa kormeer ku tegay degmooyinka ...
TOPNEWS:-Madaxweyne Ku-xigeenkii Khaatumo oo caasimada puntland kaga dhawaaqay in uu ku dagaalka tukaraq qeyb ka noqon doono
- May 21, 2018
Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Khaatumo Mudane Cabdalle Maxamuud Cali (Cagalule) oo goor dhoweyd shir jaraa’id ...