Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Gaadiidkii casriga ahaa ee xukuumadda soomaaliya loogu deeqay oo loo isticmaalayo si qaldan

Waxaa magaalada Muqdisho dhex qulqulaaya Gaadiid casri ah oo dhawaan ay dowladda Qadar ugu deeqday Dowlada Somalia.

Gaadiidkan oo casri ah ayaa waxaa loogu tallo galay Hay’adaha amaanka, gaar ahaan Booliska, halka qaarna loo hibeeyay Madaxda ugu sareysa Dowlada, hase ahaatee waxa ay u muuqdaan kuwo aan la marin wadadii loogu tallo galay.

Gaadiidkan oo u badan Landcroser ayaa waxaa si mas’uuliyad darro ah ugu dhexwata gudaha magaalada Carruur dhalinyaro ah oo u muuqda inay dhaleen Mas’uuliyiin ka tirsan Dowlada oo iyagu qaabab khaldan ku helay gaadiidka.

Gaadiidka qaarkood oo aanu Xabadda Karin ayaa waxaa xiliyada qaar ku arkeysaa Xeebta Liido iyo Goobo kale oo aan munaasib aheyn waxaana ka dhex muuqda Carruur qaab khaldan u isticmaala gaadiidka.

Mas’uuliyiin ka tirsan Xukuumada Somalia oo Wasiiro, Ku-xigeeno iyo Wasiiru-dowlayaal isugu jira ayaan heysan Gaadiid ku haboon kuwaa oo la dayacay amnigooda, halka Gaadiidkii loogu tallo galay ay ku tamashleynayaan Carruur.

Dowlada Somalia ayaa waxaa loogu deeqaa Gaadiid casri ah, hase ahaatee waxaan la ogeyn halka la mariyo, iyadoo taa loo fasirankaro inaanu jirin maamul u xilsaaran dhex u xirashada ilaalinta Hantida Qaranka.

Dowlada Somalia ayaa goor sii horeysay isku xil qaantay maareynta Hantida Qaranka, waxaase xusid mudan inay jiraan shaqsiyaad qaabab khaldan u isticmaala Hantida Qaranka.

Si kastaba ha ahaatee, waxaan la ogeyn qaabka ay Dowlada Somalia uga jawaab bixin doonto ku tagrifalka Gaadiidka casriga ah ee loogu deeqay, balse ay ku tagrifalaan carruur ay dhaleen mas’uuliyiin xilal ka haya dowlada.

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. mahad says:

    Wax micno leh soo qora war baa la sheegaa sheekadu yeysan noqon waxaan u arkaa wax uun iska sheeg warkaan oo kale waa warkii wariye bililqeysi ku noqo, aabe wiilkiisa gaarigiisa wado yiri maxay tahay waxa khaladka ah ee ku jira war wax macno sameynaya soo qora caasimada warkeeda mooryaanta ha noo soo minguurinina maxaa ka khaldan dadkaan?




ad

Latest News

MUUQAAL:-Cagalule oo garoowe kaga dhawaaqay in uu ka qayb geleyo Dagaalka Tukaraq
- May 21, 2018
Madaxweyne ku xigeenkii Khaatumo Cabdalle Maxamuud Cali(Cagalule) oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Garowe ayaa ...
Khayre oo booqday dadka laga soo badbaadiyay Xaafadaha ay saameeyeen daadadkii ka dhashay Roobabka
- May 21, 2018
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa kormeer ku tegay degmooyinka ...
TOPNEWS:-Madaxweyne Ku-xigeenkii Khaatumo oo caasimada puntland kaga dhawaaqay in uu ku dagaalka tukaraq qeyb ka noqon doono
- May 21, 2018
Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Khaatumo Mudane Cabdalle Maxamuud Cali (Cagalule) oo goor dhoweyd shir jaraa’id ...