Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

TOPNEWS:-Madaxweyne Farmaajo “Waa in dagaalka Tuka-raq degdeg lagu joojiyaa”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu ka walaacsanyahay dagaalka saaka kasoo cusboonday deegaanka Tuka-raq ee Gobolka Sool, kaasoo sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Madaxweynaha waxa uu ugu baaqayaa Madaxda, Odayaasha Dhaqanka, Culumaa’diinka, Ururrada Bulshada Rayidka ah, Haweenka iyo Dhallinyarada in ay u istaagaan sidii loo joojin lahaa dagaallada haatan socda.

“Waxaa nasiib darro ah in uu dhiig daato, waliba xilli loo diyaar garoobayo gudashada acmaasha bisha barakeysan ee Ramadaan.”

“Waa in dagaalka Tuka-raq si degdeg ah oo shuruud la’aan ah lagu joojiyaa, wax walbana loo maraa dariiqa wadahadalka.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa waxa uu sidoo kale, baaq u diray beelaha walaalaha ah ee maalmihii lasoo dhaafay ay dirirtu ku dhex martay deegaanka Ceel Afweyn ee Gobolka Sanaag.

Madaxweynahu waxa uu tacsi u dirayaa ehelada iyo qaraabada dadkii ku geeriyoday Tuka-raq iyo Ceel Afweyn, wuxuuna Alle uga baryayaa inuu dhaawaca degdeg u bogsiiyo.

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

DAAWO:-Gudoomiyaha Xisbiga UCID iyo Prof Cali Khaliif oo Kulan la qaatay Baarlamanka Yurub
- Jul 18, 2018
Gudoomiyaha Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka UCID Eng Faysal Cali Xuseen oo uu Wehelinayay Prof ...
DHAGEYSO:-Duqa Gaalkacyo oo Dhaliilay Xildhibaano Mooshin ka keenay
- Jul 18, 2018
Iyadoo dhawaan magaalada Gaalkacyo ay xildhibaano ka tirsan golaha deegaanka ay sheegeen inay mooshin ...
MUUQAAL:-Madaxweyne farmaajo oo Khudbad Qiiro leh kaga ilmeysiiyayJaaliyada somalia ee Belgium
- Jul 18, 2018
  https://www.youtube.com/watch?v=oNWQgTN7uhs