Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Wararkii Ugu Danbeeyay shirkii madaxda maamul goboleedyada dalka

Magaalada Baydhabo ee caasimadda KMG ah maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa goor dhow ka furmi doona  shirka madaxda maamul goboleedyada, kaasi oo looga hadlayo dhawr ajande.

Goobta lagu qabanaayo Shirka ayaa hadda waxaa ku sugan Madaxda dowlad goboleedyadda iyo Wafdigooda, waxaana lagu waddaa in uu furmo.

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), Madaxeynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf), Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo Madaxweyne Shariif Xasan oo marti loo yahay.

ammaanka magaalada Baydhabo ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaana xerooyinka laga soo saaray ciidamo cusub, kuwaasi oo la dhigay wadooyinka iyo xarunta shirka lagu qabanayo, si ay uga hortagaan arbushaad dhacda inta uu socdo kulanka.

Dadka falanqeeya siyaasadda ayaa waxa ay sheegayaan in dowladda Soomaaliya ay walaac ka muujineyso waxa ka soo bixi kara shirkan, maadaama maalmahan uu jiray mad madow u dhaxeeyay madaxda dowladda iyo qaar ka tirsan madaxda maamul goboleedyada.

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

DHAGEYSO:-Wasiirka Deegaanka Somaliland Oo Fariin U Digniin Iyo Hanjabaad Ah U Dirtay Maamulka Puntland
- Nov 13, 2018
Wasiirka deeganka iyo horumarinta deeganka Somaliland Marwo Shugri Xaaji Baandare ayaa waxaa ay  si ...
DHAGEYSO:-Maxkamad ku taala Puntland oo dil toogasho ah ku xukuntay Madixii Amniyaadka iyo Dhaqaalaha Al-shabaab ee Gobolka Mudug
- Nov 13, 2018
Maxkamada ciidamada qalabka sida ee dowladda Puntland ayaa maanta dil toogasho ah ku xukuntay ...
DHAGEYSO:-Hawlgalkii ugu cuslaa oo Garowe ka dhacay & Dad lagu Soo Qabtay
- Nov 13, 2018
Taliska guud ee ciidamada Puntland ayaa magaalada Garoowe gaar ahaan taliska ciidamada isugu yeeray ...