Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Akhriso:-Ma mooddaa in Puntland ay ku socoto wadadii Soomaaliland ee gooni-isutaagga ?

Inta aanan u gelin ka hadalka wadada ay Puntland ku socoto oo runtii u muuqaal eg tii ay qaadday Soomaaliland dhowr iyo labaatan sano ka hor oo ay ku baadi-goobeysay cid dal ahaan u ictiraafta balse ay weysay sababo la xariira ducfi hayo doodda ay iibineyso. Aan bal marka hore ka waramo cidda Puntland dhistay iyo xiliga la dhiseyba, Taasi oo runtii sawir buuxa naga siin doonto maamulka aan ka warami doono.

Puntland, Ayaa la aasaasay sanadku markii uu ahaa 1998, Iyadoo aasaaskeedu ay qeyb weyn ku lahaayeen siyaasiyiin u badneyd jabhaddii SSDF ee aabaha u ahayd fitnadii ka dhacday dalkan ee ilaa maanta socota. Inkastoo dhismaha maamulkaasi ay ka qeybgaleen Isimo, aqoonyahanno iyo dumar Soomaaliyeed, Hadana waxaa kaalin weyn ku lahaa siyaasiyiintii hogaamineysay SSDF oo aad ugu dhawaa maamuladii Xabashida.

Sida la sheego, Puntland ayaa loo aasaasay labo ujeeddo oo midkood ay ahayd sidii loo raadin lahaa dowlad Soomaaliyeed oo nabad ku soo dabaasha dalkan ay colaaduhu ragaadiyeen, Balse taasi ayaan u dhicin sidii loo qorsheeyey maadaama ay Puntland noqotay caqabad cusub oo Soomaaliya ku soo korortay, Taasi oo horboodeysa nidaam (federalism) dalkan sii kala furfurayo, Islamarkaana aysan aqoon fiican u lahayn xitaa kuwii keenay sida hadaba muuqata.

Nidaamkani, Ayaa dalka ka aasaasay maamul goboleedyo u dhisan hab qabiil oo meelaha qaar xitaa kala qeybiyey hal magaalo sida Galkacyo oo kale, Taasi oo ay ku daateen dhiig badan oo uu nidaamkani sababay. Nidaamkan, Ayaa dalka ka abuuray jahawareer iyo dhibaatooyin cusub oo aan horay loo arag, Kuwaasi oo qatar gelinayo midnimada iyo madaxbanaanida dalka oo wax walba nooga muhiimsan marka laga reebo diinteenna.

Puntland, Ayaa noqotay caqabadda ugu weyn ee maanta hortaagan Soomaaliya, Taasi oo xitaa ka daran maamulka Soomaaliland oo in muddo ah ku hadaaqayey gooni-isutaag iyo inuu dadka Soomaaliyeed kala qeybinayo maadaama Puntland ay soo saareyso siyaasiyiin uu qabiilku kala weyn yahay qaranimada iyo waliba Bulsho-weynta Soomaaliyeed, Kuwaasi oo ku shaqeynayo aragtida oroneysa: Cadyahow ku cunay ama ku ciideeyey sida hadaba muuqata.

Waxay kaloo noqotay caqabad hortaagan Dowladda Federaalka ee maanta jirta, Taasi oo sharciyan loo igmaday inay dalkan hogaamiso, islamarkaana ay Iyadu la macaamisho dowladaha kale sida uu Dastuurkuba dhigayo. Laakiin taa waxa ay u cuntami la’dahay Puntland oo dooneysa inay garab socoto Dowladda Dhexe xilli ay wax walba kala cad yihiin. Xagee Dastuurku ka dhigayaa in maamul goboleed uu xiriir caalami ah la sameysto dalal shisheeye !

Haddii aan dib ugu soo laabto dulucda qormadeyda oo aan cinwaan uga dhigay: Ma mooddaa in Puntland ay ku socoto wadadii Soomaaliland ? Anigu, Waxaan qabaa in Puntland ay ku socoto wadadaasi Anigoo faahfaahin doona, Islamarkaana keeni doona waxyaabo badan oo daliil u ah doodeyda oo aan aaminsanahay inay igu raaci doonaan Soomaali badan oo aad ula socota Maamulkaasi iyo kuwa hogaamiyaba.

Sidan sheegeyba, Puntland waxa ay ku socotaa wadadii Soomaaliland oo sheegata inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale walow aysan jirin cid wili aqoonsatay. Marka aad u fiirsato habka loo qoray dastuurka Puntland iyo sida uu wali u waafaqsaneyn kan Dowladda Federaalka iyo waliba wasaaradaha la sameysanayo oo ay ku jirto wasaarad qaabilsan xiriirka caalamiga, Waxaa kuu soo baxayso in Puntland ay ku socoto wadadii Soomaaliland.

Sidoo kale, Marka aad u fiirsato hab-dhaqanka kuwa horbooda Maamulkaasi iyo xiriirada ay la sameysanayaan dowladaha shisheeye xilli ay dalka ka jirto dowlad dhexe oo la aqoonsan yahay, Waxaad dareemeysaa in loo hamuunqabo wadadii Soomaaliland ee fooshaxumeyd. Mar waxaa la tagayaa Itoobiya, Iyadoo la isugu soo dhaweynayo sidii in laga socdo dal madaxbanaan oo kale, Taasi oo lagu dhiirigelinayo kala-dhantaalidda midnimada dalka.

Mar kale, Waxaa la tagayaa Imaaraadka Iyadoo la galayo heshiisyo waa weyn xilli ay joogto Dowladdii Dhexe oo qaabilsaneyd siyaasadda arimaha dibadda, difaaca iyo waliba socdaalka. Mar kale, Waxaa laga qeyb-galayaa shirar caalami ah, Iyadoo lagu andacoonayo waa nala casuumay, Taasi oo runtii ka dhigan in Soomaaliya ay ka jiraan dowlado badan oo kala madaxbanaan haba ku yaalleen hal dale !!

Waxaa kaloo jira waxyaabo badan oo ku tusinayo in Puntland ay ku socoto wadadii Soomaaliland hadiiba aysan ka qatar badneyn. Tusaale ahaan, Waxa ay awal isugu yeeri jireen maamulka Puntland. Ka dibna, Waxa ay bilaabeen inay isugu yeeraan dowladda Puntland. Halka ay hadda bilaabeen isticmaalka erey cusub oo halistiisa leh, Kaasi oo ah: dalka Puntland.

Tan iyo markii la dhisay Maamulkaasi, Gaar ahaan intii ka danbeysay xiligii Cabdlaahi Yuusuf. Puntland, Waxa ay ku socotay waddo aan waaqafsaneyn wixii dadka loo sheegay. Tusaale ahaan, Marka aad aragto heshiisyadii ay la galayeen dowladihii dalka soo maray sida Dowladdii Xasan Sheekh oo kale. Waxaad arkeysaa heshiisyo aad la yaabto oo qaarkood dhigayo in Puntland ay xubno ku darsaneysno wafti kasta oo ay Dowladda Federaalka direyso.

Waxaa hadda waxaasi oo dhan ka daran in Puntland ay ku dhiiri-gelineyso maamul goboleedyada ka jira dalka sida midkan loogu yeero Jubaland oo kale inay u dhaqmaan sida ay Iyaduba u dhaqmeyso oo ay qaraab tagaan. Taana waxaa u daliil ah ololaha uu Gaas wado. Sow midan arag shirarka la abaabulayo iyo kulamada ka socda Dubia ee loogu khidmeynayo mashruuca Imaaraadka ee mudamirka ah, Iyadoo ay joogto Dowladdi Dhexe !

Sow wax lala yaabo ma’ahan in nidaamdarro iyo fowdo la fidiyo, Iyadoo waliba la sheeganayo aqoon iyo dal-jaceyl ? Sow wax laga xishoodu ma’ahan inaad dowlado shisheeye la xiriirto Adigoo waliba hogaaminayo maamul lokol ah oo aan sharciyad u haysan howlo noocaasi oo kale ah ? Sow khiraano qaran laguma tilmaami karo howlaha noocaasi oo kale ? Muxuuse sharciga u shaqeyneynin mise waxaan wali la gaarin xiligii la xisaabtami lahaa ?

Puntland, Waxay maanta noqotay khinjar sumeysan oo dowlado shisheeye ay ku dhibaateynayaan Dowladda Federaalka ee soo kobceysa. Waxay kaloo noqotay hoy ay isugu yimaadaan siyaasiyiinta dullaaleyda ah ee dooneysa inay xaraashaan ilaha dhaqaalaha ee dalka iyo waliba kheyraadka kale ee uu Wadanku leeyahay. Ma waxay u maleynayaan inay Villa Soomaaliya fadhiyaan Xasan Sheekh iyo Cumar C/rashiid oo xaalkooda lawada ogaa ? Kallaa wallaahi.

Marka laga yimaado hagardaamooyinka iyo nidaamdarada ay Puntland calanka u siddo, Hadana dhinaca Maamulkaasi waa maamul ku fashilmay dhammaan arimihii loo igmaday. Tusaale ahaan, Wuxuu ku guuldareystay inuu ka gudbo nidaamka qabiilka ee hay’adihiisa lagu soo doorto xilli dhismihiisa laga joogo ku dhawaad dhowr iyo toban sano. Sanado qasaaro iga dheh.

Wuxuu kaloo Maamulkaasi ku guuldareystay in uu deegaanadiisa ka difaacdo maamulka Soomaaliland oo dhul-ballaarsi ku jira. Tusaale ahaan, Soomaaliland waxa ay Puntland kala wareegtay dhul ballaaran, Gaar ahaan intii uu Puntland hogaankeeda iska wareejiyey madaxweynihii hore ee Soomaaliya AU Cabdulaahi Yuusuf ilaa ay Soomaaliland soo gaartay deegaan lagu magacaabo Tukaraq oo aan wax badan ka fogeyn caasimadda Puntland.

Anigu, Shaki iigama jiro in Puntland ay ku dhawaaqi doonto gooni-isutaag sida Soomaaliland oo kale wallow ay arinkaasi ka hor-imaan doonaan dadweynaha Soomaaliyeed ee deegaanadaasi ku dhaqan, Kuwaasi oo aan wax badan kala socon waxyaabaha ay karkarinayaan shaqsiyaadka horboodayo Maamulkaasi. Waxaan kaloo shaki iiga jirin in wadaadaasi ay qaadi doonaan qaar ka mid ah maamul goboleedyada ay Xabashida iyo Kenyaatiga wax ka dhisteen.

Waxaan qabaa in la joogo xiligii ay Dowladda Federaalku muujin lahayd haybaddeeda dowladnimo maadaama ay haysato taageerada dadweynaha Soomaaliyeed ee dal iyo dibad iyo waliba taageerada Caalamka. Waxaan kaloo qabaa in la joogo xiligii wax badan laga badali lahaa dastuurkan lagu cayaaray oo la xoojin lahaa awoodda Dowladda Dhexe, Si loo ilaaliyo midnimada, madaxbanaanida dalka iyo waliba sumcadda dadka Sooomaalida.

Ugu danbeyn. Waan qabaa runtii in Puntland ay ku socoto wadadii aan soo sheegay, Taana waxaa ka tarjumaayo hab-dhaqanka kuwa majaraha u hayo Maamulkaasi. Tusaale ahaan, Maxaa lagu fasiri karaa marka Adigoo maamul goboleed aad xiriir caalami ah la sameysaneyso dowlado shisheeye, Xilli aad aqoon u leedahay nidaamka dowliga iyo waliba kan federaalismka. Sow ma’ahan inaad dooneyso inaad go’do ama aad dadka lugoyso ? Jawaabtu waa haa. Ha dhaco shisheeye kal-kaalka.

W/Q: Maxamed Ibrahim

iidka1@hotmail.com

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (7)

  1. c/qani says:

    WAXAA XAQIIQO AH IN JABHADII SSDF” EE AY ITOOBIYA ABUURTAY 1979. AY AHAYD FOOWDADII IYO BURBURKII SOOMAALIYA MEESHII UU KABILOOWDAY?

    WALINA AY HADBA MAGAC CUSUB LASOOBAXAYSO?
    WAANA SIYAASADA MAANTA C/WALI CALI GAAS. HOGAAMINAAYO??

    SIYAASADAAS OO AY ITOOBIYA WALI GADAAL KAMAAMULAYSO??

    WAANA SIYAASADA QARIBTAY AXMED MADOOBE. LAFTIISA OO LAGUSHIRQOOLAY?? KADIB MARKII UU C/WALI KUSHIRYAY” MAAMUL GOBOLEEDYADA? AXMED MADOOBE. DHIBAATO OOGAMA HOREEYNIN??

    RUNTII WAA IN LAKALA SAARO SHACABKA PUNTLAND. OO AH SHACAB AAD U QAYMO BADAN IYO SIYAASADA *SSDF* EE JABHADII AU C/HI YUSUF. HARAADIGEED”” OO AH TANMAANTA UU C/WALI HADBA MEEL AANLOOJOOGIN? UU QARKA ISKATUURAAYO?

    LAAKIINSE ITOOBIYANA OGAATAY? KENYANA OGAATAY? IMAARAADKUNA WAA UU OGAANDOONAA?
    SHACABKA SOOMAALIWEYNE WAA AY OGYIHIIN?

    JABHAD BAADIKUDHISANI WAXAY DUMISO MOOYAAN WAXBA MADHISTO?? HADABA GAAS IYO CAMALKIISU WAA UGOONI” SHACABKA PUNTLAND WAA SHACAB XADAARAD IYO DIIN LEH. DHAGNA JALAQ UMASIINAAYAAN? JABAHDA SSDF?

  2. c/qani says:

    SIXID: HARAADIGEEDII.
    SIXID:JABHAD BAADIL KUDHASAN??

  3. Timacade says:

    Alloow nimaan waxba ogeyn ha cadaabin. Mar waa duco, marna waa murti soomaalidu runta isgu sheegto markay ogaadaan in xaqiiqada jirta la gees maray.

  4. ali says:

    Adeer haddii aadan ogeyn distuurka puntaland waxa ku qoran in maamulka puntaland u heshiis caalami lagali karo caalamka intiisi kale. Maamul gobaleeyado waxay leeyihiin sharciyo gooni u ah iyaga qura. Waxbaa jiraa oo distuurkooda ku qoran oo maamul walba isaga khaas u ah. Waxyaaba baa jira oo ka dhaqan ah muqdisho oo aan ka dhaqan gali karin puntaland
    Somalia muqdisho oo qura ma ahan. Maamul gobaleed kista calan iyo distuur ayu leeyahay

  5. Hassan says:

    Ma mooddaa in Puntland kusocoto waddadii gooni isu taagga ee Somaliland?
    Waxaan isku dayayaa inaan wax yar ka ifiyo qoraalka uu qoraagani qoray qiimeeyana tayada jawaabta uu ka bixiyay su,aasha uu soo jeediyay iyo guud ahaan taxliilka uu ku sameeyay.
    Horta marka wax la qorayo waxaa lagu gartaa in qoraalkaagu yahay mid misaanleh waa inay la socdaan cadaymo (proof) iyo tixraac (references) lagu kalsoonaan karo loona addeegsankaro in lagu xaqiijiyo in waxa aad ka hadlaysaa yihiin wax run ama dhab ah. Haddii taa lagaa waayo qoraalkaagu wuxuu noqonayaa figrad shaqsiyadeed oo kuu gaar ah oo aan wax qiima saas u buuran lahayn. Marka haddaan eegno qoraalka qoraagu qoray wax caddayn ama daliil ah oo uu ku tiiriyay dooddiisa haba yaraatee ma jirto waa “ZERO”. Distoorka dadka hal qodob xataa kama soo qaadan, Cilmi baadhis uu tixraacay oo gobolkaas laga diyaariyay oo rumaynaysa waxa uu ku andacoonayo muu soo ban dhigin.

    Bal haddaba inogoo og in qoraagu uu gudbiyay figraddiisa bal haddaba aan eegno waxyaabaha uu ka hadlay:
    Puntland ma la moodaa mid kusocota gooni istaaggii Soomaliland? Jawaabtu waa maya. Sababtoo ah Distoorka Puntland Qodobka 3aad ayaa qeexaya inay tahay qayb ka mid ah Somalia. Waxaa markhaati ma doonta ah inta maal iyo naf kaga baxday reer Puntland, in cid kale oo soomaali ah aanay kaga bixin. Villa Soomaaliyada uu qoraagu soo qaaday yirina “Ma waxaad moodeen in Xasan sheikh fadhiyo? Waxaan xasuusinayaa iyadoo qashin qub ah inay reer Puntland hormuud ka ahaayeen dhiig iyo dhaqaale badana ku bixiyeen suurana geliyeen inaad maanta ku faanto laakiin aad hilmaanto iskuna daydo inaad gacan cadceedda saartid ood ku qarisid. Awrku markuu heeryadiisa cuno lama rarto oo naf malaha, qofkaan beni aadamka u mahad naqina Allah uma mahadnaqo!

    Puntland sharci ma u leedahay inay mashaariic horumarineed inay u raadiso dadkeeda? Ma sharcibaa in maamul goboleedyadu waftiga caalamiga ah ee arrimo khuseeya ayaga lagaga hadlayo ay xubno ku darsadaan? Jawaabtu waa haa. Qodobka 53/54aad ee dastuurka Dawladda Federaalka ahi wuxu qorayaa in heshiisyada caalamiga ay dawladda federaalku kala tashataa maamul goboleedyada. Isla qodobkaa faqraddiisa labaad waxay sheegaysaa inay xubno ku darsadaan maamul goboleedyadu waftiga heshiisyadaa soo geliya marka ay arrintu si khaas ah u khusayso maamul goboleedkaas. Marka waxaa Meesha ka cad in qoraagu aanu akhriyin aqoonna u lahayn shuruucda wadanka u degsan ama sida soomaalida u caadada ah aanu aqoonsanayn sharci wax la yiraa.

    Qoraagu wuxuu sheegay inay Puntland SUN ku tahay qaranimada Soomaaliyeed. Arrintaasi ma runbaa? Waa maya. Waxaa xaqiiqa ah in Maamulka Puntland aanu suuragelin oo kaliya in Soomaaliyi Villa Soomaaliya kunoqoto ee uu suurta geliyay inay ummad aad u ballaadhan oo soomaali cid walba lihi kaga badbaadeen aafadii ka socotay koonfurta Soomaaliya. Dadkaasi waxay nabad, ganacsi, caafimaad, iyo waxbarashaba ku heleen deegaanka Puntland ilaa maantana waa sidii. Dastuurka soomaaliya iyo heshiisyadii suurto geliyay in dawlad Federaal dhalato waxaa qayb libaax ku lahaa maamulka Puntland (example : Garowe & Galkacyo accords)

    Maamulka Puntland ma ku fashilmay wixii loo igmaday? Su, aashaas garoow baa kajira oo way jirtaa dhalliilo maamulku leeyahay, laakiin bal waxaad wax qabadka Puntland bar dhigtaa ka dawladda federaalka:
    Puntland waxay maamushaa ama la shaqaysaa in ku dhow 1000 iskuul oo ay suurto gelisay intooda badan dhismahooda, manaahijtooda, iyo tababarka macalimiintooda iyo mushaharaadkooda. Dawladda federaalku waxay maamushaa “ZERO” schools
    Puntland waxay leedahay institutions dhamaystiran iyo system dowladeed oo leh dhismayaashii wasaaradaha sida, waxbarashada, caafimaadka, beeraha, kalluumaysiga, ganacsiga, maaliyadda, iwm, maxkamadihii, poliskii, jeelashii oo wada habaysan. amnigeedana waxaa suga ciidamo soomaaliyeed waana dhul xor ka ah Askar ajnabi iyadaana tababarta, musharna siisa. Dawladda Federaalka waxaa Xamar ku haya 22000 askari oo ajnabi ah hadday tagaana way adagtahay inay sii jirto.

    Caawimada iyo daryeelka ummadda: Abaarihii ka dhacay waddanka dawladda iyo shacabka Puntland waxay marti geliyeen shacab badan oo soomaaliyeed oo meel kasta ka yimid. Dowladdu waxay ku bixisay malaayiin doolar si loo bedbaadiyo ummadaas hadhowna waxay ka caawisay inay dhulkay ka soo hayaameen ay ku celiso aydoo kaashanaysa shacabkeeda. Waxay qoday ceelal boqolaal kor u dhaafay waxayna samaysay biyo xidheeno biyaha qabta, waxaa maanta suuro gal noqotay in xataa la hubinkaro tayada cuntada iyo alaabta soo geleysa Puntland. Taas waxaad barbar dhigtaa dawladda Federaalka ah oo ilaa hadda la sugayo milyankii ay ugu deeqday abaaraha, ceelal iska daa, caafimaad ha sheegin, wasaarado ma laha oo labtop ayaa wasaaraddii lagu sitaa marka wasiirku shaqada ka tagana labtop kiisa horuu usii qaataa.

    Dowladda Federaalku awoodeeda ma u adeegsankartaa Puntland oo wax ma ka beddeli kartaa? Kkkkk waa maya: Puntland waxay leedahay ciidamo dhisan oo ka difaaca wixii debedda kaga yimaada ee kusoo edeb darooda sida dagaaladii ay Dawladda Federaalku ka hurisay Gaalkacyo oo ay waxba uga suuroobi waayeen iyo dagaalkii argagixisada loogu soo daabulay Puntland ee lagu nadiifiyay 72 saacadood gudahood. Taas waaxaad bar dhigtaa dawladda Federaalka: madaxtooyada waxaa waardiyeeya Afrikaan, Xalane madaxda soomaalidu ma geli karto, balcad iyo xamar inta u dhaxaysa, dhinacanna afgooye ma tegi karaan. Ciidamo edible ma laha oo waa kuwa sida mooryaantii maalin walba is laynaya. Marka waxaa la yiri “RIDU HADDAY DABO LEEDAHAY FUTADEEDA AYAY KU QARSAN LAHAYD” Dawladda Federaalka ahi waxay waardiyayn kari weydey baarlamaankii iyo aqalkii sare!! Maxay yeeli kartaa ama kusoo kordhin kartaa cid kale? Waa waxba

    Waxaan kusoo geba gebaynayaa adeer wax beni aadam sameeyay oo dhamaystiran ma jiraan laakiin maalintii Maamulkaas la sameeyay Garoowe, Boosaaso, iyo Gaalkacyo tuulooyin xun bay ahaayeen. Garoowe waxay ahayd meel baabuurta Hargeisa usocota xataa aanay ku leexan , boosaasana hadalkeeda daa. Kalluunka laga qaado laasqoray iyo Xaabo waxaa cunto looga dhigi jiray ciidamadii soomaaliya dadka deegaankaasina xataa hal iskuul ma lahayn. Maanta magaalooyinkaasi International Airports iyo Five Star Hotels bay leeyihiin waxaana suurto geliyay nidaamka iyo kala dambaynta ka jirta iyo kartida shacabka soomaaliyeed ee reer Puntland. Qofkii doonaya inuu soomaaliya ku celiyo xukun hal magaalo ah, taasi way dhammaatay. Dee hadduu saar kuu hayo xamarna xorbaad tahay waanad aadi kartaa. Dadka deegaankaas degenina ma aha dad la qaldo oo dhegta wax loogu sheego. Waxaa fiican inta layska dhaafo waddaninimada beenta ah in qofku deegaankiisa hoos u fiiriyo oo uu waxuu qabsan karo qabsado, kuna daydo kuwa jidkaa horumarka iyo soomaalinimada ku taagan sida Puntland. Haddii laakiin xaasidnimo iyo nacayb kaa buuxo, waa howl adiga kuutaalla laguuna joojin maayo figradaaduna adiga ayuun bay kugu koobnaanaysaa.

    Wabillahi Towfiiq
    A.KH. Abdulkarim

  6. Moha says:

    Dowlada fs haday dadka daqligii ay amnigooda ku suganayeen ka ciideyso, dhaqaale kalana u heyn iyo ciidan, ma dantaada ha ka hadlin baa! Taasi waxey u saan egtahy wadadii aan horey ugu soo hungooney ee halka na dhigtey. Ee aheyd qabyaalda is faquuqa kaliye taliye illin yaxaaska. Kheyr laawe haduusan ka tanaasulin isaga ku baaba aya! Somaliland wado ay kuso noqoto iima muuqato inta Mooge iyo is moodsiis kursiga ku fadhiyaan!

  7. Faryaamo says:

    Marka hore burburkii Somalia waxaa mas’uul ka ahaa dhulgub Afweyne. Haddii SSDF ay mas’uul ka ahaan laheyd AUN A.Yuusuf Madaxweyne kama noqdeyn.Maantey oo aan joono Dhulgub Afweyne ma jirto cid ogol.

    Tan 2aad Puntland waxaa dhisey raggii ILAAHEY ka badbaadshey Dhulgub Afweyne iyo Shuftadii Hawiye, sababtoo ah dhaqan hore ayey u lahaayeen dhisada dal iyo dadba waxaana ka dhabqiyey Cuqdoole Dhulgub Afweyne. Car sheyk meel Mareexaan ay wax ka dhiseyn horey iyo maanta Cabdudwaaqna ha noqotee!! Ciyaalka ayaa og sida loo kala deganyahey.

    Puntland shaci ayaa lagu dhisey. Sharci iyo qswaaniin kala haga ayaa u qoran, sidoo kale waxaa u dhigan qawaaniin kala hagta oo local iyo mid Federal ah ay ugu tala gashey markii la helo dowlad ula dhaqmi la heyd. Kaas key ku taagan tahey.

    Mdax hore Xassan Culusow wuxuu eryo sida QOOTO QOOTO iyo wax la mid, Puntland iyo Asago marar badan ayey iska hor yimaadeen marna lagama erayada qaran dumis. Somali diid iyo qashinka hadda nagu soo batey, waliba nin abgaal oo dhul leh ayuu ahaa oo ma nin aradan.
    Xamar ma aha meel ay Soomaali wada leedahey, dadbaana diidan oo harta cad aan la gaban, waliba cadaado ka yimid.
    Anaga waxaan nahey dal. Dowlad goboleed xor ah dhismaha. horumarinta dadka iyo dalka Puntland waa muqdas. Somalia ka mid ayaan nahey,laakiin nama laha. Somalia haddaan ka go’anno waa mid noo taal,markii aan damacnyo nin naga celin kara ma jiro.
    Mareexaan uga carari mayno una joogi meyno. Xoriyad taam ayaa u leeyahey.




ad

Latest News

DAAWO:-Wasiirka Boostada & Isgaarsiinta oo soo xiray Shirka Xifadleyda Teknolojiyada Soomaaliya
- Oct 22, 2018
Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada ayaa si rasmi ah u soo xiray shirweynaha 3aad ...
TOOS:-Xaruunta Tala soo jeedinta Somaliyed oo Dood kusaabsan Doorka Ay Culimada Ahlu-sunny Wal jamaaca Ka qaadan Karaan Sugida Amniga
- Oct 22, 2018
[embed]https://www.facebook.com/sbcsomalitv/videos/2184875958417760/[/embed]
DHAGEYSO:-Baydhabo Oo Dib Loo Fasaxay Gaadiidka Bajaajta Iyo Noah Oo Markii Hore La Mamnuucay
- Oct 22, 2018
16 Bishaan ayaa War ka soo baxay Booliiska baydhabo lagu joojiyay in magaaladaas ay ...