Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Dhageyso:-Guddoomiye Cismaan Barre”Dastuurka Dalka Wuxuu Noqday Mashruuc Dano Siyaasadeed Lagu Fushado”

Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Hir-Shabeelle ayaa sheegay in Dastuurka dalka uu yahay mid soo maray waqtiyo kala duwan wixii ka dambeeyey burburkii dalka,isla markaana uu ahaa Warqado ay dad iska heysteen.

Waxa uu sheegay in Dowladdii Madaxweyne Cabdullaahi yuusuf wixii ka dambeeyey la sameeyey dastuur uu sheegay in uu yahay mashruuc oo dano Shaqsiyadeed lagu fuliyo.

“Xaqiiqdii dastuurkena waqti badan ayuu soo maray,dowlad kastoo oo dalka soo martay meel ayey keentay,runtii Dastuurka ayaa sidoo kale iska noqday mashruuc dano Siyaasadeed lagu fushto khilaafka dalka ka jira isaga ayaa keenay taasi waxa ay cadeyneysaa in gacan Ajnabi lagu qoray marka xataa wadahsaqeynta dowlad goboleedyada iyo dowaldda dhexe kuma qorna ayuu yiri Guddoomiye Cusmaan Barre.

 

Sidoo kale Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Hir-Shabeelle Cusmaan Barre Maxamed ayaa ugu baaqay guddiga dib u eegusta Dastuurka dalka in ay ka Shaqeyaan sidii la isku waafajin lahaa Dastuurka Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Maamul goboleedayda.

Hadalka guddoomiyaha ayaa ku soo aadaya xili weli lagu howlan yahay sidoo loo dhameystiri lahaa dastuurka qabyada ah ee dalka,iyada oo guddiga dib u eegista Dastuurka ay ku howlan yihiin sidii loo dhameystiri lahaa.

Hoos Ka Dhageyso Codka Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Hir-Shabeelle.

 

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

DHAGEYSO:-Taliye ducaale cali mire oo muqdisho ku laabtay & qorshe lagu dhabar jabinayo axmed madoobe oo muqdisho ka socda
- Aug 17, 2018
Magaalada muqdisho waxaa dib ugu laabtay ducaale cali mire iyo maxamed ibraahim waa taliye ...
DHAGEYSO:-Xildhibaan Jeesoow Oo Mucaaradka dowladda ku biiray Xilka Fahad Yaasiin muxuu ka yidhi?
- Aug 17, 2018
Waxaa weli hadal heyn Xoogan ka jirtaa Qaabkii Madaxweyne Farmaajo Saaka Isbadelka ugu sameeyey ...
DHAGEYSO:-Maxay ka dhigan tahay is badalka dhanka saraakiisha ciidanka ee madaxweyne farmaajo sameeyay
- Aug 17, 2018
Digreeto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa waxaa isbadal ...