Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Madaxweynaha soomaaliya oo ku laabtay xafiiskii Wasaarada Gaashaandhiga

Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta dib ugu laabtay Xafiiskii Wasaaradda Gaashaandhigga ee uu ku shaqeynayay muddadii ugu dambeeysay.

Madaxweynaha oo horay loo shaaciyey in uu shaqadiisa u wareejiyey Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa todobaadyadii ugu danbeeyey dib ugu soo laabtay Xarunta Madaxtooyada, si uu u soo afjaro khilaafkii ka taagnaa Golaha Shacabka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale ka soo laabtay dalka Boqortooyada oo uu kaga qeyb galayey shirka Jaamacadda Carabta, tallaabada uu isla maanta ugu laabtay Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa muujineyso culeyska uu saarayo howlaha dib u habeynta Ciidanka Xoogga Dalka.

Madaxweynaha ayaa horey muddo bil ah ku shaqeynayay Wasaaradda Gaashaandhigga.

 

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (2)

  1. Abdulqadir Tallman says:

    Caqli carruureedle Farmaajo wuxuu jecel yahay dareyska militeriga. Weligiina askari ma noqon. Qaab askareedna maba alaha.

    Mooto Vespa aan lahaan jiray dhallinyarnimadeydii ba magaalada Xamar looga bixiyay:
    MA-DUUSHO-MA-DAASHO. Maxaayeelay Xamar kama ay bixi jirin oo safaro dhaadheer ma geli jirin. Warwareeggeeda xaafadahana wuu badnaa.

    Hadda marka aan arko Farmaajo oo hadba tuute askareed isku boobaya oo aan haddana Afgooyana gaareyn, waxaan soo xusuustaa mootadeydii lagu naaneysay:
    MA-DUUSHO-MA-DAASHO.

  2. c/qani says:

    Xaafiiska oo labadalaa ama meelkale loowareejiyaa waxba masookordhinaayo??

    Laakiinse Waxaa Muhiim Ah Difaaca iyo Badbaadinta’ Shacabka Soomaaliyeed ee ay GAALADU” ku Sooduushay? Dhiigooda iyo Hasntidoodana ay kuciyaaraayaan?

    Waxaa kaleeto oo Muhiim Ah in Aan Dhalinyarada SOOMAALIYEED Qaab QABIIL” aan Loo ASKARAYNIN”” Kadibna aan Dagaal* Soomaali dhexdeeda Ah oo aan Micno Lahayn loo adeegsanin??

    XABASHI IYO KENYA DHULKA KUMAQAN HALAGA XOREEYO?? HADIIKALEETO WASAARADDA GAASHANDHIGGA OO UU “FARMAAJO” FADHIISTAA!! WAA SU’AAL JAWAAB U BAAHAN??




ad

Latest News

Wasaaradda waxbarashada XFS oo shaacisay sharuudaha iyo tilmaamaha todobaadka Imtixaanka shahaadiga
- Apr 25, 2019
Wasaaradda waxbarashadda hiddaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay ...
DAAWO SAWIRRO:-Wasiirka Ganacsiga Somalia oo Beijing kula kulmay Madax ka tirsan Dawladda China
- Apr 25, 2019
Shir u dhexeeya dowladaha Afrika iyo Shiinaha oo ku saabsan iskaashi iyo wax wada ...
DAAWO SAWIRRO:-Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Dalka Oo la Kulmay Agaasimaha Guud ee Norway U Qaabishan Arrimaha Goballada
- Apr 25, 2019
Wasiir dowlaha arrimaha dibadda xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Axmed khayr Cabdi ayaa maanta ...