Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

DHAGEYSO:-Kornel C/nuur Jaamac Jookar”Imaaraadku wuxuu diidanyahay awooda ciidanka soomaaliya”

Kornel C/nuur Jaamac Jookar oo ah Sarkaal hore oo Ciidanka Xooga ka Tirsanaa  ayaa Sheegay in uusan Saameyn ku yeelan doonin Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed dhaqaalaha uu jartay Imaaraadka Carabta.

“Dowladda Imaaraadka Malahan Awood Siyaasadeed iyo Militariga oo Caqabad ku noqon karta Dhismaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed, waayo waxay la mid yihiin Dowladdo badan oo qaarkood aanu daris nahay, oo ka soo horjeeda Dhismaha Ciidanka Qaranka Soomaaliya,marka taasi cabsi weyn naguma heysee, ee waa in la wada dhowraa xidhiidhka Taariikhda Fog leh ee labada Wadan ” ayuu yiri Jookar

 

Xidhiidhka dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaa xumaaday ka dib markii Soomaaliya ay go’aan dhexdhexaad ah ka qaadatay Khilaafka Dowladda Khaliijka, waxase Xiisad ay Xoogeysatay kadib markii ciidanka Amniga Soomaaliya ay la Wareegeen Diyaarad Siday Malaayiin Doollar,Taasi oo sababtay in Dowladda Imaaraadka ay ku dhawaaqdo inay jirtay Dhaqaalihii ay siin jirtay Ciidanka Soomaaliya.

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (3)

  1. cali says:

    Maamulka puntaland iyo dowladda federaalka Somalia waa inay isku mowqif ahaadaan, dowladda federaalka waa inay cambaareeysa hadalka kasoobaxay puntaland. Dowladda puntaland baa carqalad ku ah

  2. Abdulqadir Tallman says:

    Kheyre iyo Farmaajo ka dhab maaha eryidda Imaaraatka.
    Waa kuwii Jawaari hilfaha u qaaday markii uu barlamaanku
    soo saaray qaraar lagu burrinaayo heshiiskii dekedda Berbera.

    Xoogaa duco ah uun bay raadsanayaan oo waa qaraabanayaan.

    Waxooda waa maraanmarin. Naas hadda uun la nuugay bay caano ka doondoonayaan. Imaaraatka ayey ku oranayaan: “baad na siiya, haddii kale waan idinka saareynaa Somalia”.

    Puntland maxaa ka galay qaraabashada Farmaajo iyo Kheyre?!

    Puntland iyo Imaaraatku waa saaxiibo aan kala go’eyn.

    Farmaajo iyo Kheyre iyaga ayey jirtaa siday ducadooda u qalqaashanayaan, laga mana yeelayo inay Imaaraatka ku khashqashaadaan Puntland gudaheeda.

    Gaas wuu diiday shekadaas raqiiska ah.

    Tala xumada iyo macangagnimada Farmaajo iyo Kheyre waxay
    soo dedejineysaa in shacabku fahmaan kuwani inay yihiin “ransom-taking gangsters”.

    Imaaraatka maahee Khyre iyo Farmaajo ayaa dariishadda ka baxaya kol dhow.

  3. lion says:

    adigu berbara kahadal kuumataal sheekadaan.




ad

Latest News

MUUQAAL:-Golaha Wasiirada Somaliland Oo Ansixiyey Miisaan-yada Xukuumada Ee Sanadka 2019
- Dec 18, 2018
Golaha wasiirada Somaliland ayaa fadhi ay iskugu yimadeen waxaa ay ku ansixiyeen miisaan-yada xukuumada ...
MUUQAAL:-Korneyl Caare Oo Sheegay In Jabhadiisa Uu Mushaharkii U Bilaabay
- Dec 18, 2018
Korneyl Caare   oo maanta warbaahinta kula Hadley  meel u dhaw magaalada Qardho ayaa waxaa ...
Duqa Muqdisho oo la kulmay Duqa magaalada Geneva iyo duqa magaalada Bristol
- Dec 18, 2018
Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Abdirahman Omar Osman (Eng; Yariisoow) ayaa la ...