Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

DAAWO SAWIRO:-Ra’iisul wasaaraha soomaaliya oo la kulmay Mas’uuliyiinta gobolka Banaadir

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre, ayaa xalay kulan la qaatay Saraakiisha Ciidanka Booliska, iyo Guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir, waxaana kulankaasi goob joog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/guuto Bashiir Cabdi Maxamed iyo Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir Mudane C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow.

Kulankaan, ayaa looga hadlay howlaha Ammaanka Caasimada iyo siddii loo dardar gelin lahaa, waxaana kulanka aragtiyo kala duwan oo amniga ku saabsan isku dhaafsaday Madaxdii kasoo qeyb gashay, iyaddoo lagu ballamay in Ammaanka masuuliyad adag la iska saaro, loona naxariisto dadka Shacabka ah.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye guuto Bashiir Cabdi Maxamed, ayaa sheegay in Taliska Booliska uu kordhiyey howlgalada Ammaanka lagu sugayo, isaggoo tilmaamay in loo baahan yahay wada shaqeyn buuxda inay yeeshaan Maamulada degmooyinka Gobolka Banaadir , Talisyada Saldhigyada Booliska iyo kuwa Nabad sugida.

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre, ayaa isna sheegay in Xukuumadda ay ku dadaali doonto taageerida laamaha Ammaanka, waxaana uu ku boggaadiyey shaqada adag ee Habeen iyo maalin ay u hayaan Ummadda Soomaaliyeed.

 

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

DAAWO SAWIRRO:-Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Oo Booqasho Lama Filaan Ku Tagay Abu Dhabi, Maalin Kaddib Booqashadii Qadar
- Mar 21, 2019
Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa gaadhay magaalada Abu Dhabi ee Caasimadda Imaaraadka Carabta, ...
MUUQAAL:-Machadka Heritage Oo Qiimeyn Ku Sameysay Dowladda Farmaajo Labadii Sanno Ee Ay Jirtey
- Mar 21, 2019
 Machadka Daraasaadka ee Heritage ee fadhigiisu yahay magaalada Muqdisho ayaa soo saaray warbixin uu ...
MUUQAAL:-Maamulka Xeraale oo ka hadlay weerarkii lagu soo qaaday
- Mar 21, 2019
https://www.facebook.com/abdikariin.bulxan/videos/2224956880901596/