Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Wasiir Xoosh “Waxaa naga go’an in Dastuurka lagu dhameeystiro si daahfuran”

Wasaaradda Arimaha Dastuurka ee XFS, Guddiga La-socodka dib-u-eegista Dastuurka ee labada Aqal iyo Guddiga Madaxabanaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ayaa waxay kulan wadajir ah la yeesheen Ururada Buslshada Rayidka ee Dawlad Goboleedka Jubbaland.

Ujeeddada kulanka ayaa ahaa in hay’adaha u xilsaaran dhameeystirka Dastuurka ay Bulshada Rayidka Jubbaland u bandhigaan tubta Hannaanka Dib-u-eegista Dastuurka.

Wasiir Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in Ururada Bulshada Rayidka ay kaalin wayn ku leeyihiin Geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka.

“Waxaa naga go’an in Dastuurka lagu dhameeystiro si daahfuran taasina waxay suurtagelaysaa marka Ururada Bulshada Rayidka ay kaalintooda muuhimka ah qaataan. Waxaan idinka dooneynaa inaad ka taladhiibataan Tubta loo marayo dhameeystirka Dastuurka oo maanta aan idiin soo bandhignay” ayuu yiri Wasiir Cabdi Xoosh.

Sidoo kale, xubnaha katirsan Guddiyada ee Wasaaradda shaqo wadaagayihiin ayaa waxay Bulshada Rayidka Jubbaland ku dhiirageliyeen inay talooyinkooda ku biiriyaan Tubta ayna sedexda hay’ad ee Qaranka uga xilsaaran dib-u-eegista Dastuurka ay ku gacansiiyaan hawsha adag ee ay wajahayaan.

Ugu dambayn, ka qaybgalayashii kulanka ee katirsanaa Buslahda Rayidka Jubbaland ayaa waxay soo jeediyeen talooyin waxayna su’aallo weydiiyeen Wasiir Cabdi Xoosh iyo Xubnaha ka socday Guddiyada.

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

DAAWO:- Xisbiga Kulmiye Oo Inkiray In Dowladda Soomaaliya Heshiis Kula Gashay Imaaraadka Carabta Dekedda Berbera.
- Apr 20, 2018
fhayeen u hadlay Xisbiga Kulmiye ee haya hogaanka maamulka Soomaaliland ayaa si adag wuxuu ...
SAWIRRO: Taliye Gorod oo ka qeybgalay shirweynaha Talisyada Ciidanka Africa iyo Mareykanka
- Apr 20, 2018
Magaaladda Abuja ee dalka Nigeria, ayaa waxaa lagu soo gabo gabeeyey shir weyne socday ...
Daawo:Barnaamij ku saabsan Hormarka laga Gaaray Dhismaha Wadada Gaalkacyo iyo Hobyo..
- Apr 20, 2018
Gudoomiyaha Gudiga Gob Maxamed Cabdulkaadir Shirwac ayaa habeenki xalay ahaa waxa uu marti ku ...