Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

DAAWO SAWIRO:-Madaxweyne Farmaajo oo lagu soo dhaweeyay dalka Sacuudiga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Magaalada Dammaam ee dalka Sucuudiga, halkaas oo uu ka furmi doono Shirka 29aad ee Madaxda waddamada ku mideysan ururka Jaamacadda Carabta.

Shirkan waxaa diirradda lagu saarayaa qadiyadda Falastiin, dagaalka ka dhanka argagixisada iyo xiisadaha ka taagan dalalka Suuriya, Yamen iyo Liibiya, iyadoona madaxda carabtu ay si qoto dheer uga doodi doonaan xal u helista dhibaatooyinka ka jira dalalka xubnaha ka ah ururka Jaamacadda Carabta.

Madaxweynaha ayaa waxaa soo dhaweeyay Madax ka tirsan dowladda Sacuudiga iyo Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya mudane Axmed Ciise Cawad oo horay halkaasi u tagay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa inta shirkan uu socdo waxa uu shir-doceedyo la yeelan doona Madaxda qaar ee shirka ka qeybgalaya, iyagoona ka wada hadli doonaan xoojinta xiriirka, iskaashiga iyo danaha guud ee kala dhexeeya dalalkaas Soomaaliya.

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

DHAGEYSO:-Madaxweyne farmaajo maxaa la gudboon hadii mooshin laga gubiyay xilka looga qaadayo?
- Dec 10, 2018
Madaxweynaha somalia maxamed cabdulaahi farmaajo waxaa la gudbiyay mooshin xilka looga qaadayo waxaana jira ...
DHAGEYSO:-Mooshinka laga keenay mdaxweyne farnaajo xalkee ayuu ku danbayn doona?
- Dec 10, 2018
Umadda Soomaaliyeed waxay baryihii danbe ka nasatay arimaha mooshinka iyo is qab qabsiga madaxda ...
DHAGEYSO:-Xildhibaan Saleebaan ‘Rajaddii shacabku qabeen way nusqaantay madaxweynuhu shaqadiisii wuu gabay”
- Dec 10, 2018
Xildhibaan Saleebaan Maxamuud Xaashi ayaa sheegay in Rajaddii shacabku u qabeen madaxweyne farmaajo aya ...