Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

DAAWO SAWIRO:-Madaxweyne Gaas oo Siweyn Loogu Soodhoweeyey Degmada Carmo Ee Gobolka Bari

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafdi balaadhan oo uu hogaaminaayo ayaa  waxaa si diiran loogu soo dhaweeyey Dagamada Carmo ee gobolka Barri, halkaasi oo uu kaga qayb geli doono caanashubka Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Cabdillaahi.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo safarkiisa ay ku weheliyeen xubno ka tirsan golayaasha dawladda iyo saraakiil ka tirsan madaxtooyada dawladda Puntland ayaa waxaa halkaasi ku soo dhaweeyey qaar kamida Goloyaasha Dawladda Puntland, Isimo iyo qaybaha kal duwan ee bulshada ku dhaqan Degmada Carmo.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa inta uusan u gudbin hoyga uu ka sugnaan doono maalamaha uu ku sugan yahay Degmada Carmo ayaa waxa uu Booqasho iyo salaan ugu tagey Beeldaajaha Guud ee Beelaha Cali Saleebaan Beeldaaje  Maxamed Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Cabdulaahi isagoona Madaxweynuhu u hambalyeeyey Beeldaajaha islamarkaana Allaah ugu barya inuu u fududeeyo hawlaha muhiimka ah ee horyaala.

Dhinaca kale Caanashubka Beeldaajaha Guud ee Beesha Cali Saleebaan Beeldaaje  Maxamed Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Cabdulaahi ayaa waxaa uu dhici doonaa maalinta berrito ah  ee taariikhdu tahay 15 April 2018, iayadoona ay si weyn uga soo qayb gali doonaan madax dhaqameedyada Soomaaliyeed oo isaga kala yimi guud ahaan Gobolada Soomaalidu degto.

Ugu danbeyn Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa uu dagmada Carmo ee Gobolka uu ku sugnaan doonaa tan iyo maalinimada berrito ah oo lasoo gebegebayn doono caanashubka Beeldaajaha Beesha Cali Saleen.

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

DAAWO SAWIRRO:-Madaxweynaha Dowladda Puntland oo Dhagax dhiggay terminal-ka Ariportka Magaalada Badhan
- Sep 22, 2018
Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa  waxaa uu dhagax dhigay dhismayaasha ...
DHAGEYSO:-Agaasimaha Isbitaalka Madiina Oo Lagu Eedeeyay Musuq
- Sep 22, 2018
Siyaasiga Axmed Baasto oo ka mid ah Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa eedeen kulul u jeediyay ...
DHAGEYSO:-Hadal uu jeediyay Madaxweyne Gaas oo caro badan dhaliyay iyo Jawaabo laga bixiyay
- Sep 22, 2018
Hadal Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas uu  ka jeediyay degmada Badhan ee gobolka ...