Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb galaya Shir Madaxeedka 29aad ee Jaamacadda Carabta

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saaka u ambabaxay Magaalada Dammaam ee dalka Sucuudiga, halkaas oo uu ka furmi doono Shirka 29aad ee Madaxda waddamada ku mideysan ururka Jaamacadda Carabta.

Shirkan waxaa diirradda lagu saarayaa qadiyadda Falastiin, dagaalka ka dhanka argagixisada iyo xiisadaha ka taagan dalalka Suuriya, Yamen iyo Liibiya, iyadoona madaxda carabtu ay si qoto dheer uga doodi doonaan xal u helista dhibaatooyinka ka jira dalalka xubnaha ka ah ururka Jaamacadda Carabta.

“Madaxweyne Farmaajo waxa uu khudbad ka jeedin doonaa shirka, isagoona Madaxda kale ee waddamada Carabta la wadaagi doona xaaladaha siyaasadda, ammaanka iyo horumarka ka socda dalka.” Ayuu yiri Agaasimaha Xadiiska Warfaafinta Madaxtooyada Mudane Cabdinuur Maxamed Axmed.

Horey waxaa ugu sugnaa dalka Sucuudiga wafdi uu hoggaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibadad Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad oo hordhac u ahaa wafdiga Madaxweynaha, sidoo kalana ka qeyb galayay shir Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Jaamacadda Carabta oo Khamiistii ka furmay magaalada Riyaad, laguna qorsheynayey ciwaannada Shirka 29aad ee Madaxweynayaasha.

Madaxweyne Farmaajo ayaa inta shirkan uu socdo waxa uu shir-doceedyo la yeelan doona Madaxda qaar ee shirka ka qeybgalaya, iyagoona ka wada hadli doonaan xoojinta xiriirka, iskaashiga iyo danaha guud ee kala dhexeeya dalalkaas Soomaaliya.

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. Abdulqadir Tallman says:

    LA MAHDIN MAYO DAGAAL LALA GALO IMAARAATKA, SACUUDIGA, BAXREYN, MASAR, ETC. DANTEENNA MAAHA XIISAD ABUURID IYO ISKU TAAGID DALAL NAGA
    AWOOD BADAN WAQTIGAN XAADIRKA AH. SIDOO KALE, DALKA QATARNA YAAN LA XUMEYN.

    DHEXDHEXAADNIMO AYAAN KU DHAWAAQNAY. WAA IN AAN DHEXDHEXAAD AHAANNAA.

    CIDNA YAAN SANKA LAGA FAREYN.

    WAXAA KHASAARO KUUGU FILAN IMAARAATKA OO KUUGU HUBEYSA, DHAQAALANA SIISA DAWLAD GOBOLEEDYADA.

    SIYAASAD XUMIDA DAWLADDA FARMAAJO WAXAY SOO DEDEJISAY IN SOMAALILAND AY XAGGA IMAARAADKA KA HESHO AQOONSI CAALAMI IYO DHIIRRI-GELIN.

    HADDII AY IMAARAATKU AQOONSATO SOMALILAND, WAXAA MARKIIBA KU DAYAN DOONA ITOOBIYA, KENYA, SACUUDIGA, MASAR, BAXREYN, IYO WADDAMO KALE.

    WAXAANA MASUULIYADDAAS DHABARKA U RIDAN DOONA DAWLADDA FFF.

    FFF WAXAY KA TAAGAN YIHIIN FAQASH FADHIID FARMAAJO.




ad

Latest News

DHAGEYSO:-Taliye ku xigeenkii NISA oo xog xasaasi ah bixiyay kana hadlay shaqo joojintii lagu sameeyay
- Jul 19, 2018
Taliye xigeenkii hore ee hay’adda Nabad Sugidda NISA Ismaaciil Cismaan aya si faah faahsan  ...
DAAWO:-Magaalada Taageer ee Degmada Baargaal oo lagu caleema saaray Nabadoon C/laahi Nabadoon Caynab
- Jul 19, 2018
Magaalada Taageer ee Degmada Baargaal ee gobalka Gardafuu waxaa lagu caleema saaray Nabadoon Cabdulaahi ...
DHAGEYSO+SAWIRRO:-Xaflad lagu furayay Sanad Dugsiyeedka Iskuulka Agoonta oo lagu qabtay magaalada Caabudwaaq
- Jul 19, 2018
Xaflad lagu furayay Sanad Dugsiyeedka Iskuulka Agoonta ayaa lagu qabtay magaalada Caabudwaaq ee gobalka ...